Saaxil VS Awdal
0---0
tartanka ciyaaraha gobolada SL oo si rasmiya uga furmay Hargeysa waxana ka qayb galaaya lixda gobol ee dalku ka kooban yahay.
ciyaartan maanta waxa lagu furay labadii kooxood ee ugu horeeyay kuwaasi oo ka kala socday
waxa galabta si rasmiya uga furmay magaalada Hargeysa tartanka Gobolada Somaliland oo ay ku tartamayaan lixda gobol ee uu ka kooban yahay dalku.
wasiirka Ciyaaraha ee somaliland Md Maxamud Siciid ayaa isagu si rasmiya u furay hadal kooban oo halkaasi ka jeediyay ayuu ku sheegay in ay ka wasaarad ahaan xil gaara iska saareen qabashada tartankan oo uu ku sheegay in uu muhiimad gaara u leeyahay bahda Sport-ga somaliland waxana uu ku booriyay kooxaha iyagu ka qayb galayaa tartankan in ay muujiyaan akhlaaq wanaag iyo dabeecad fiican mudada uu socdo tartanku.
waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta ee somaliland Md C/rashiid Caydiid Yaasiin oo isna sheegay in mudada uu socdo tarankani ay indhaha ku hayaan caalamku oo ay eegi doonaan sida uu ku soo gabo gaboobo. waxa kale oo uu sheegay in ciyaarta kubada cagta ka sokow ay socon doonaan oo kale ciyaaraha fudud iyo kuwa gacanta.
ciyaartan maanta waxa lagu furay labadii kooxood ee ugu horeeyay kuwaasi oo ka kala socday Gobolada Awdal iyo Saaxil, waxana ay labadan gobol soo bandhigeen ciyaar xiiso leh taasi oo ay dadkii daawanayaan aad u jeclaysteen waxana aad moodaysay in labada kooxood ay si weyn ugu soo diyaar garoobeen in mid kastaaba uu dhinaciisa ka keeno guul weyn. hasa yeeshee labadii kooxood midna uma suurto galin in ay keenaan wax dhibco ah waxana ay ciyaartu ku dhamaatay Eber iyo Eber,
wararka ciyaaraha kala soco Gabiley,net oo ay weriyayaasheedu isha ku hayaan ciyaaraha gobolada somaliland.
Jamaal Ibrahim Gabiley.net Hargeysa Office




