costa waa shiikhaal
adanboy actually this has nothing do with yeey, mooryaans have been cleaned from the road, look what hornafrik was saying for a long time
Wadooyinka isku xiran Muqdisho Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose oo falal amaan daro ay ka jiraan.
Mogadishu,3 August 2007 (HornAfrik Media) Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka wada ee ka shaqeeya inta u dhaxaysa Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Kismaayo e xarunta gobolka J.hoose ayaa cabasho xoogan ka muujinayo dhac iyo kufsi loo gaysto dadka rakaabka ah.
Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka rakaabka qaada ayaa waxaa iminka ay muujinaya xabashadii ugu ba.nayd ee ku aadan dhac iyo boob oo ay wehliyaan haweenka oo la iska xoogo oo ay gaysanayaan burcad jidka isbaaro dhigata.
Mid ka mid ah darawalada ayaa sheegay in dhibaatada kugu badan ee ay u gaystaan buracaasi ay tahay iyaga oo iska xooga haweenka ragana jirdila oo dharka ka bixiya ismarkaana ka qaata wax allaale wixii hanti ah oo ay wataan.
Ilaa iminka ma muuqdaan dadaalo ay muujinayaan Mas’uuliyiinta dowladda fadaraalka soomaaliya iyo ciidamada dowlada si wax looga qabto dhibaatada ay ku hataan buracada isbaarooyinka dhigta inta u dhaxaysa xamar iyo j/hoose
Waxaana sidoo kale mudooyinkii ugu dambeeyey soo baxayey dhibaatada dadka rakaabka ah ka soo gaaraysa burcada jidadka u gasha.
http://hornafrik.com/Newspage/news17.htm