Karbaash_Killar Haddu Qarxaya........
Hoggaamiye kooxeedka Gobollada Bari Cadde Muuse oo haatan banker dhulka hoostiisa ah kuna yaala Villa Soomaliya kula jira Cabdulahi Y., ayaa Idaacadaha ka sheegay in gobolka Mudug uu hoos yimaado Maamulka Gobollada Bari ee Soomaaliya.
Dagaal oogahaan ku naaxay Mishinnada faalsada lagu daabaco oo dadka jeebabkooda lagu fakto, ayaa sheegay inuusan jirin maamul la yiraa Galmudug, oo maamulka keliya ee ka taliya Mudug uu yahay Puntland.
Qaar ka tirsan maamulkiisa ayaa hore u sheegay in hadafka Puntland yahay iney isku fidiyaan gobolka mudug oo dhan canshuur ururina ka bilaabi doonaan.
Maamulka Galmudug State ayaa 2 sano kahor ay Masuuliyiin u dhalatay Gobola Mudug kaga dhawaaqeen Magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhismaha maamulkaasna la dhameystiray min madaxweyne ilaa biyatooni.
Waa markii ugu horreysey oo se bareer ah uu Cadde Muuse u sheegto Milkiyadda Gobolka Mudug, dadka deggana uu ku sheego kuwo marti u ah maamulkiisa Majeerteenya.
Lama oga jawaabta ay ka bixin doonaan hadalka Cadde muuse, masuuliyiintii Maamulka Galmudug State oo kala jooga Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa.