--------------------------------------------------------------------------------
(Bidix, Dr. Axmed Xuseen Ciise, Fagadhe, Maxaned Arabay)
hadhwanaag 2007-08-09 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xog-hayaha Arrimaha dibada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Dr.Axmed Xuseen Ciise ayaa daboolka ka qaaday inuu yahay musharaxa jagada Madaxweynanimada ee Xisbiga Kulmiye shanta sanadood ee Soo socota, isla markaana waxa uu sheegay inay arrintani shaki badan ka dhex abuurtay Xisbiga gudihiisa, oo ay dadka qaar u heysaan inuu Xisbigu bur-burayo, taasna aanay dhicidoonin ayaan ku sheegayaa tageerayaasha Xisbiga KULMIYE iyo dadka kale-ba.
Sida waxa uu xog-hayuhu ku sheegay maanta Munaasibad balaadhan oo uu kaga dhawaaqayey inuu yahay u taagan yahay Musharaxa jagada Madaxweynanimada ee KULMIYE oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Xafladaas oo ay ka soo qeyb-galeen Masuuliyiin Sar sare oo uu hormood ka yahay Gudoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Xisbigasi Md. Maxamuud Saalax Nuur [Fagadhe], Xubno ka mida Xisbiga UDUB, Salaadiin, Xildhibaano labada Gole Barlamaan, xubno ka mida taageerayaasha Xisbiga iyo Marti sharaf kale.
“Waxaan idiin sheegayaa Magaaladan Hargeysa ee aynu joogno Xalay aan qeyb- laga seexan, waxaana u sabab ahaa qeybtaa laga seexan waayey kulankan aynu qabanayno oo ay dad-badani oo Xisbiga KULMIYE gudihiisa ah ay sas ka qaadeen, oo tilifoono ayaa la isku wada diray, qof wal oo aan Casuumayna waa lala hadlay” ayuu yidhi Xog-hayaha arrimaha dibada ee Xisbiga KULMIYE Dr. Axmed Xuseen Ciise isaga oo sharxaad ka bixinayey inay xisbiga shaki badan gelisay musharax-nimadiisa Jagada Madaxweynanimada ee uu ka dhawaajiyey.
“Imikadan aynu joognana, Xisbiga [Kulmiye] dhex-diisu shir deg-dega ayuu ku jiraa” ayuu intaasi raaciyey.
“Waxa loo haystaa Musharax-nimadayda shirkan aan maanta qabtay inay Xisbiga [Kulmiye] bur-burinayso, horta waxaan iyagana ugu bushaareynayaa, idinkana waxaan idinku bushaareynayaa, taageerayaasha Xisbigana [Kulmiye] waxaan ugu bushaareynayaa inaanay taasi dhicidoonin” ayuu yidhi Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka hadlayey inaanay Xisbiga Bur-burinayn Musharaxnimadiisa kagada Madaxweynanimada .
Axmed Xuseen Ciise waxa uu tilmaamay mushkilada dalkeena haysata ee Siyaasada, muranka waxa uu ku tilmaamay in tahay dhaqano berigii Qaaxo la joogay la soo bartay oo runtii dhaqanada iyo dacaayadaha ummada shakiga kala-gelinaya ay tahay.
Dr. Axmed Xuseen Ciise waxa uu sheegay inuu aad uga murugeysan yahay in maanta oo aynu halkan [Huteelka] xoriyad ku joogno dhamaanteen oo aan ka soo toosnay aqaladeeni in ragg inaga mid ah oo mudan oo mudakara oo aan geyin Xabsiyada Somaliland, inay maanta xabsiga ku jiraan. “Dr. Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid ay ku jiran xabsiga Mandheera oo aanay geyin” ayuu yidhi
Waxa uu Si kulul u canbaareeyey Dr. Axmed Xadhiga Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran ee weli jeelka Mandheera ku xidhan, waxaanu Difaacay Sameysashada Ururo Siyaasadeed oo ka qeyb-gala Doorashooyinka, isla markana waxa Xukuummada ka dalbaday inay sida ugu dhakhsaha badan xoriyadoodi ugu soo celiso., isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Arrintaasi [Xadhiga Hogaanka Qaran] anigu waxaan qabaa inay canbaar inagu tahay, inta aanay boog inagu noqon Waxaan ka codsanayaa Xukuummada Somaliland oo ay ka mid yihiin labada Goleba [Guurtida iyo Wakiillada] inay arrintaasi deg-dega wax uga qabtaan oo nimankaasi loo haysto fikirkooda Siyaasadeed ee aan fal-danbiyeed, dhagar aan gelin, Xoolo aan dhicin, waxa kaliya ee ay Sameeyeen ay tahay Cabiraad ay Cabireen Mowqifkooda Siyaasiga ah, waa inaanay habeen danbe jeelka ku jirin”
“Waxaad mooda Maanta in Dastuurkeeni iyo sharcigeeni aan la isku xukumayn” ayuu yidhi Xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo Xukuumada Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inaanay dalka ku xukumaym dastuurkii iyo Xeerarkii la dhigtay.
“Waxa inoo muuqata keli-taliskii aynu ka soo dagaalanay oo aynu nafteena u hurnay ee ay kumaankunka qof nagaga dhinteen, waxaan ilaahay baryayaa inaynaan ku noqon daqriiqii hore Siyaad Barre uma dhawin ilaahayna inooma dhaweeyo mid kale-na inooma keno” ayuu yidhi
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Doraad waxaan tagay Geed-deeble waxaan soo arkay Xabaalihii lagu aasay in ka badan toban kun oo qof dadkaasi waxay u dhinteen inay Cadaalad helaan oo la duudsiiyey xaqooda”
Dr Axmed Xuseen Ciise waxa uu Sheegay inay ragg badan oo ay kuwada jiraan Xisbiga KULMIYE inaan isku sharaxo jagada Madaxweynanimada Xisbiga ayaa igu raacsan, waxaana ragga u hayaa ma’amuus iyo kal-sooni, ayuu yidhi.
“Marka aanu leenahay Musharax ayaanu nahay Maanta oo jagada Madaxweynanimada [Kulmiye], shan iyo labaatanka Sanadoodba waanu idin daba-taagnayn oo waa laydin soo tijabiyey [Siilaanyo] dalku waxa uu u baahan yahay Siyaasad Cusub, wejiyo Cusub, Hogaan cusub iyo aragti cusub” ayuu yidhi Dr. Axmed Xuseen oo ka hadlayey waxa ku kelifay inuu isku sharaxo jagada Musharaxnimada Xisbiga KULMIYE wakhtigan.
Dr. Axmed Waxa uu ku dooday inay Xukuummada Rayaale u baahan tahay hogaan iyo Siyaasad Cusub, Waxaanu yidhi “Somaliland Waxay u baahan tahay is-bedel Maamul, mid Siyaasadeed iyo Mid hogaan-ba” ayuu yidhi.
“Imika In shan-sanadood ku dhow waxa inanaga lumeen Muran Siyaasadeed oo ka dhex jiray Golayaasheeni oo sababay dib-u-dhac, halka aynu horumar ka gaadhi lahayn, arrintaasina waxay tahay mid loo baahan yahay inuu hogaanku wax ka qabto” ayuu yidhi Dr. Axmed Xuseen.
“Marka laga soo bilaabo malintii SNM lagu dhawaaqay ilaa maanta inaynu buur fananaynay, weli-na buurtii kamaynaan bixin waxaana lo baahan fikir cusub” ayuu yidhi.
“Waxaan leeyahay Asaxaabtayada idinka hore ayaa laydiin ti-jaabiyey maanta waa tayadii “ ayuu yidhi Dr. Axmed
“Waxaan halkan [Huteelka] fadhiya niman badan oo ku jira Xisbiga UDUB horta aad ayaan idiin soo dhamweynayaa, hadaad shirkan u timaadeen inaad na aragtaan oo aad fikirkaya qaadataan hadduu idiin cun-tamo nagu soo biirtaan ahlan wasahlan soo dhawaada” ayuu yidhi Axmed Xuseen Ciise.
Axmed Xuseen Ciise oo la hadlayey Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ah ee UDUB waxa uu yidhi. “Haddii malaha aad is-lahaydeen Bur-burkii KULMIYE ayaad markhaati ka noqonaysaan waad ku hungoobaysaan”
Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga KULMIYE Md. Maxamuud Saalax Nuur [Fagadhe] oo isna hadal ka jeediyey Munaasibadaasi ayaa soo dhaweeyey Musharaxnimada jagada Madaxweynanimada Xisbiga Dr. Axmed Xuseen Ciise ka dhawaajiyey, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu qofkasta oo Xisbiga ka tirsan uu xaq u leeyahay inuu isku soo taago labada jago ee u sareeya.
“In ninkasta oo xubin ka ah Xisbiga KULMIYE iskuna kal-soon Waxa uu xaq u leeyahay inuu doorashada soo socota ka qeyb-galo musharaxnimada labada jago ee Madaxweynanimada iyo Madaxweyne Ku-xigeenka” ayuu yuu yidhi Maxamuud saalax Nuur [Fagadhe]
Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe waxa uu ku dooday inay dimuqraadida ay markasta ka hadlaan Axsaabtu ka bilaabanto iyaga .“Axsaabtu inta badan waxay ka hadlaan dimuqraadiyada, markaa waa inay iyagu iska bilaabaan, balse Dr. Axmed Xuseen Ciise keligii maaha ee way badan yihiin Musharixiintu” ayuu yidhi.
Waxa iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo mid ka mid ah odayaasha reer Hargeysa Maxamed Cabdi Arabay iyo Masuuliyiin kale.
Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com
No silanyo in the picture what happend guys
and fagadhe for vice president dhulbahante





