Postby enemy_o_m_m » Fri Aug 10, 2007 11:12 am
War dgedega: Xulka Gobolka Togdheer Oo Ku Guuleystay Koobkii Ciyaaraha Gobolada Somaliland,Kadib Markii Uu Si Xarago Leh Uga Badiyey Xulka Awdal.
--------------------------------------------------------------------------------
hadhwanaag 2007-08-10 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Togdheer ayaa ku guuleystay Koobkii Ciyaaraha Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland,kadib markii Ciyaartii Finalka oo aad Kuluul una Xamaasadeysan ay kaga badiyeen Xulka Gobolka Awdal .oo ku dhex-martay Hargeysa Stadium ee Magaalada Hargeysa.
Ciyaarta Galabta dhex-martay Xulalka Gobolka Togdheer iyo Awdal ayaa Xulka Gobolka Togdheer kaga bidiyeen 10 gool iyo 9 Xulka Gobolka Awdal,
Ciyaartan oo ay daawashadeeda ka soo qeyb-galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta iyo Xubno ka mid ah Masuuliyiinta Dawlada iyo boqolaal taageerayaasha labada kooxood ah.
Kulankan ay fooda isku dareen Xulalka labada Gobol ayaa ahayd mid Weerar iyo weerar Celisa oo aan wax-ba la iskula hadhin, oo ay labada dhinac-ba soo bandhigeen Ciyaar farsamadeedu aad u heer-sareysay, waxaana Ciyaarta qeybtii hore ku gacan sareeyey Xulka Gobolka Togdheer.
Qeybtii hore ee Ciyaartaasi ayaa waxa Gool keensaday Xulka Ku bada Cagta ee Gobolka Awdal,
Markii Xulalka labada Gobolka tashi iyo sixid la soo sameeyeen tababarayaashoodii ayaa waxay labada Xul isugu soo noqdeen qeybtii labaad ee Ciyaarta, taas oo ay labada dhinac-ba bilaabeen dar-dar ciyaareed oo weerar iyo weerar Celisa, Xulka Gobolka Togdheer ayey u suurta gashay inay la yimaadaan Goolkii bar-baraha waxaanay Ciyaartu ku dhamaatay Gool iyo gool.
Sida uu dhigayo Sharciga ciyaaruhu Waxa labada Xul ee Gobolada Togdheer iyo Awdal loo dhigay laaga tooska ah ama rikoodhayaal, waxaana ku Badiyey Xulka Gobolka Togdheer oo helay 10-gool halka Xulka Gobolka Awdalna la yimaadeen 9 Gool.
Caawa iyo damaashaadka Xulka Ciyaartoyga Gobolka Togdheer oo faras magaalaha Damaashaad Awadeed ku dul-wareegayaa, iyo niyad-jabka Ciyaartoygii Xulka Gobolka Awdal oo dhuuntay, waxa Caawa Suuqa Faras Magaala ah aad looga dareemayaa farxada Ciyaarta oo Hoonka iyo Sacabka iyo boqolaalka Baabuurta ah ee wadooyinka wareegaya maleyn maysid.