Tigre regime of Addis Abbeba is feeling the heat of the summer in Mogadishu.
As soon as this heat is felt in Washington, the Tigre occupational force will run dry on money, and then they will run away from Mogadishu.
We will not rest till every inch of Somalia is liberated from the Tigre army.
They will not be save in Baidoba.
--------------------------------------------------------------------------------
Ciidamada Itoobiya oo laga yaabo in ay ka baxaan Muqdisho
August 12, 2007 Markacadeey
Warar si hoose ay u heshay shabakadda wararka Markacadeey.com ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ee ka howlgalaya magalada Muqdisho laga yaabo in ay ka baxaan magaalada Muqdisho waqti dhaw.
Ilo xog ogaal ah oo aanu helnay ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Itoobiyaanka ay wareejinayaan amaanka guud ee caasimadda isla markaana ay tagi doonaan qaar kamid ah gobollada dalka.
Waxaa wararku ay sheegayan in Ciidamada Itoobiyaanka laga yaabo in ay saldhig weyn ka furtaan gudaha magaalada Baydhabo halka ay Muqdisho ku riibi doonaan kaliya saraakiil tababar siisa ciidanka dawladda.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa aad ugu dhibaateysan magaalada Muqdisho iyadoona habeen waliba ay la kulmaan weeraro xoogan oo kaga yimaadan dhanka kooxo aan la garaneyn iyadoo taasi ay sii dheer tahay dhibaatooyin dhaqaale.
Maxamed Carab
Xafiiska Markacadeey Muqdisho




