Faallo: Qaybi Oo Xukun

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Faallo: Qaybi Oo Xukun

Post by The`Republic »

Faallo:Qaybi Oo Xukun:By Cabdiweli Sh Maxamed
Aug 15,2007
by Birmingham-UK-GEDO-NN
Qaybi oo xukun (Divide and rule) waa siyaasad catirowday (duugowday) oo gumaysigii reer Yurub (Europe) Afrika ku soo galay 1884tii, ahna siyaasadihii reer Yurub middii ugu inkaarrayd. kolkii reer Yurub ku soo qamaamay khayraadka dihin oo Afrika, yaan la dareemin boobka darti, waxaa carrada oo idil loo qaybiyay cadad mid walba astaan loo yeelay.

Qaybin ku salaysan; qabiil, af, dhul iyo diin ayaa meel walba la dhigay, cilladdo la farsameeyayna waa loo kala sheegay dadkii degaanka oo xoolo raacato iyo beeralay u badnaa. Qaybintaa waxay fududaysa saancaddihii (Gumaysigii) carrada soo galay in laga jeesto oo walaalihii wada dhashay rubadda isjaraan micne la’aan. Soomaali, Afrikay ku gowracantaa, waxaase u dheeraa; diin, af iyo dhaqan ay wadaagto in la qoonsaday oo shan qayb loo kala dhigay, isla markaana, saami loo tuuray, Itoobiya (Ethiopia) oo afrikaan ah, darisna ah oo gensatay (nebcaysatay) daris nimada Soomaali; diin ahaan muslim ah oo, af iyo dhaqan aan kala sheegan.

Dhul-baallaarsi iyo jamashada hugunka mawjadaha (hirarka) bad-waynta hindiya iyo badda cas oo meel fog ka baxaya, boqorradii “Aksum”–Itoobiya- waxay ku noqtay riyo qaraw badan oo dhinaca dhulka u diidday. Maqaalkani, ma aha mid lagu darsayo; taariikhda loolankii dheeraa ee Soomaliya iyo Itoobiya oo, ka soo bilowday boqorradii Itoobiya markay ka soo hoobteen Buuraha qotoda dheer ee Itoobiya, ilaa ay ka soo gaareen dhulka fidsan oo “Reserve area” 1948dii. Loolankaa oo dhowr boqol oo sano socday waa taariikh badankeed diiwaan gashan oo, mudan akhrin dhab ah, si loo garto dhul-ballaarsigii Itoobiya maanta soo dardar galisay mar kale; 1991dii. Tallaabadaa oo ugu dambayn suuregal ay ka dhigeen “Wiilal Tigre ah”, waxay ahayd hindise owoowe yaashood ku taagnaa, oo run noqday, kolkii askar Itoobiyaan ah cagaha gasheen bad-waynta hinddiya loogana qaxay xeebihii “Liido iyo Jasiira”!. Inta ay halkaa ku nagaan doonaan cidina ma oga, ha yeeshee, beenlow waxaa ah ninkii yiraahda, “wiilashaTigre”, gool qurux badan ma dhalin!.

(Itoobiya waxay dawlad madax-bannaan ahayd muddo 3 kun oo sano ka badan, taas waa xaqiiqada koowaad. Midda labaad, waxaa weeye in xuduudda taariikhiga ah ee Itoobiya ay tahay; inta u dhexeysa badda cas iyo bad-waynta hindiya, iyada oo ay ku jirto inta dhul ah oo u dhexaysa labadaa badood oo, dhan). Hadalkaa waxaa 1963dii ugu jawaabay Madaxwaynihii Soomaaliya; Aadan Cabdulle Cusmaan (AUN), ra’iisul-wasaarihii Itoobiya oo ay hadallo kulul isku dhaafsadeen “Addis Ababa” xarunta (OAU) 1963dii. Boqor Menelik-gii IIaad, aabbaha dhul-ballaarsiga iyo ra’iisul waraarahii Boqor Xayle Sallaase, waxaa u dhexeysay 80 sano. Melles zanawi kolkuu riyadii dhab u rogay waa; 44 sano ka dib.

Muwaadinka Soomaaliyeed ugu yaraan, waxa laga filayo; “waa laabta oo uu ka ogaado; “innaga iyo xabshi waxa naga dhexeeya”, sidaa darteed, akhrin waxaa mudan buug-yar (booklet) oo uu qoray Shiikh Maxamed Iddiriis sannadkii 2006dii oo uu u bixiyay; (Innaga iyo Xabashi: taariikhda dahsoon ee Soomaaliya iyo Xabashida). Riyada Melles Zanawi iyo awoowe yaashi kulmisa (dhul-ballaarsi & bad), inta jeer oo dib loo ceshay marka la xusayo, Laba xilli ayaa aad loogu hakadaa; xilliggii Al-imaam Axmad-Gureey; 1506diii–1542dii, iyo xilliiggii uu socday amarka Maxamed Siyaad Barre (AUN) 1977kii-1978kii.

Taariikhda dhabta ah oo ay tahay in uu ogaado muwaadinka soomaaliyeed, si uu u garto gumaysiga Itoobiya oo maanta ciddiyaha ku diiranaya hambadii soomaali uga soo hartay dagaalkii sokeeye oo dad iyo duunyo lagu riiqmay, wax qallalan iyo wax qoyanna ku xaalufeen, waa midda buugga aan sare ku xusay ku sheeggan. Haddaba; haddan u soo laabto sadarrad maqaalkan kooban, labada eray oo kala ah; qaybin iyo xukun; af ahaan waa: Qaybin (-ta) = wax mid ah dhawr cad ama dhawr meelood oo cid la siiyo ka dhigid; qofba in siin . 2 - Qayb.

Xukun (-ka) = Talis; guddoon. Xukuumad (-da) = Talis, Dawlad.

Labada eray, micne ahaan sidaa haddaan uga haro, bal, siyaasad ahaan; aan ku eegnno Soomaaliya wixii ka dambeeyay 1991dii, markii jabhaddii EPRP “Addis Ababa” oo bad qabta faraha ku dhigtay, USC oo dhago la qabto aan lahayn soo fariisatay Muqdishow.

Qaybin: Sannaadihii ugu ba’anaa dagaalkii sokeeyo oo aad loogu luufluufay, sannadkii ugu xumaa 1992dii, “Bulshada caalamka” oo damiirkoodu noolyahay markay la ilmeeyeen le’ashada dad fara badan oo Soomaali ah, reer Baydho haba ugu liiteene, “Addis Ababa” halaagaa waxay ka dhex araktaay mashuurc qiimo badan oo hantigashi mudan, ribixanna aan laga walwalayn, haddii si fiican hawsha loo agaasimo. Durba, xafiisyadii dhu-lballaarisiga u xil saarraa oo Xabashidu waxay bilaabeen dajinta shax laga xigto hawgalka soo socda. Dhanka kale, Soomaali falfal-xumo dhexdooda ah lagama waayee, waxay bilaabeen gorgotan qabiil lafdhabar u yahay, kaa oo sahlay qaybinta bulshada soomaaliyeed. Tigre, waa yaqaan sida loola soo baxo miiqa uu ka bilaabayo furfiridda xarigga soomaali isu haya oo ah; midnimada!.

Kaabad (Bridge) maamulkii Talyaanigu dhisay oo isku xirta “Dooloow Addo” iyo “Dooloow Gedo” markiii ciidanka Tirigre ay dhabarka ka martay 1996dii, waxaa bilaabmay, gaatin-socod loogu siqayo “xeebta Liido”, oo ay gaareen gaareen; January 2007.
Dabageed, guddoomiyaha “Gobolka Hiiraan” meel fagaare ah, isaga oo xishood ka tagay; wuxuu ka yiri; “Ciidanka Itoobiya waa ciidanka Soomaaliya, ciidanka Soomaliyana waa ciidanka Itoobiya”. Xasha!, Soomaali sida laga rebay, saas soo ma aha?!.

Baadi qarniyo badan la dabajoogay oo ah; qaybinta soomaalida ayaa “wiilasha Tigre” ka dhex ursheen khilaaf aragtida ah oo kala dhex galay SNF iyo Al-itixaad oo gobolka Gedo, gacan ku hayntiisa ku muransan. Siday doonayeen kolkay fushay, ayaa fursad kale ka hillaacday, Baydhabo oo Bay ah. Markan waa USC/SLA oo reer Bay iyo Bakool u xoog sheegtay. RRA oo ah ciidan gobolka u dhashay oo isuruursaday ayaa taakulo iyo ciidan la raaciyay. Qabqablayaal, Muqdishow looga qaxay ayaa loo sawiray “khad-cagaaran” in ay caasimadda kala dhex dhigaan oo Labada dhan ayay ka soo hurgufeen rasaas maatada laysa. Soomaaliland goosasho, ayaa dhagta loogu sheegay, Puntlandna waxaa la tusay in ay ku qabsato dhulkii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ka halgami jiray. Shabeelle yaasha; qaar maamulka “Addis Ababa” ayaa la hoos geeyay, qarra beeralaydii ayaa la dulkeenay dad beer ka carooda oo xoolo dhaqato ah. Jubbooyinka maleeshiyo qabiil ku dhisan ayaa isku baacsada, la yiri. Hiiraan iyo Galguduud dadka dega iyaga oo aan isu roonayn, dhagax tuuryo ah ayaa ku filanyaha, baa looga seexday!. Dagaal-ooge kasta, in kaligi dhabarka laga taabtay ayaa loo sheegay!.

Qaybin, inahaa aan ka fogayn oo badankeed soomaali curisay (si mutadawac nimo ah) buunbuunin iyo hadba saliidda ku kordhin, waxa dhaafsa kuma qaadan Itoobiya mashruucii ay ku dhiirratay, kolkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya burburta sannadkii 1990dii.
Markhaati dhab ah, oo qaybinta astaan u ah, lafdhabarra ka ah hawsha maanta socota, waxaa noqotay kooxdii SRRC oo loo dhisay in lagu sallado dawladdii Carta oo Jabuuti lagu macmalay sannadkii 2000. Jillaafada dhabta ah oo afka ciidda loogu galiyay dawladdii Carta, wax maleegay oo baritaaray, tayo xumida iyo argti gaabida kuwa aan u naqaan; siyaasiyiin (politicians) –qaarkood- oo hor carara ummadda. Sida muuqata waayahan dambe, cilmigii la oran jiray Cilmiga Siyaasadda (political sciens) wuxuu noqday; wax arigu raafka ku sito. “wiilasha Tigre” si xariif nimo ah waxay ugu guulaystee ku ciyaaridda damaca siyaasi-isku-sheegga iyo qabqable doqon ah oo dhuuntiisa wax mara mooyee wax kale aysan u muuqan. Maanta waxa dalkii lagu qabsaday waa mirihii ka soo go’ay “Beerta Qabiilka” oo faliddeeda iyo waraabinteeda aan loo kala harin!.

Xukun:

Xukun, markaan ka hadllo ma aha in maskaxda loo sheego; xukun Soomaali gacanteeda ku jira in laga murmayo. Maxaa yeelay, xukun maanta; waa dhaan dabagaalle ama wirwir nafta lagu hafrayo. Soomaali iyada oo asqo la dhan-qalantay ayay gafuur maran isu tuurtaa!. Tigre, haddii uu ku guulaystay qaybin, xukun dhib uma arko; inta raga xukunka hayaa, General Gabre; hoos fadhiyaan. Dad baa ku dooda mar haddii calankii taaganyahay nagu filan. Nimankani (Tigruhu) waa iska tagi ee aan heeshiinno, dawladdana raacnno, haddii kale, waxbaa loo jeedaa!. Waa saaxibadeen, ammaanka nala sugaya, waana tagayaan!, Annaggaa u yeerray annagaana saari. Waxaa iyo wax ka daran oo runta lagu inkirayo, waa madax dhul la dhac laga yaqyaqsado.

Careeyaa, General Gabre, hor istaagi kara?!.. Ma la socotaa in nin safaaradda Itoobiya, ka socda ugu hanjabay rag soomaaliyeed oo saxaafadda ka tirsan: “sumcad xumida aad shirka “Hoosada Gaadiidka Booliska” (kawaanka) ka fidisaan, haddaan la joojin; waxaan idinku fasaxi ciidamada NSS-ta”. Ma filaysaa, in la yiri: “war maxaad ku hadashay?!”. Safaarad shisheeye oo ka qaybgasha, khudbadna ka jeedisa “Caano ku shubka” duub jifo soomaali ah ay dooratay, weligaa ma maqashay?. Duub iyo Madax-dhaqameed “Addis Ababa” laga casumo, maxaa loola jeedaa?!. Heerkaa oo la gaaro; anaa kuu taliya soo ma aha?!.

Dooddu, Soomaali V Soomaali ma taagnna, hebel iyo hehel xukunkoodaa la diidayaa ma aha!. Waa Soomaali V Xabashi, Waa gumaysi iyo gumaysi diid. Waa Soomaali 57 sano ka dib godkii ay ka soo guurtay ku noqotay, baraarujinteed. Waa geeddi dheer oo dhul oomane ah oo habaas badan, qodax iyo qaniin leh u diyaar-garowgi. Haddaan si kale u iraahdo: “waa isqaybinnay!, dabadeed na la qaybiyay, kolkii xigayna na la xukumay”. Mar 2aad si madax bannaan in aan isu xukunana, waxaa ka sokeeya; in aan midowno.

Waa halka sheekada caanka ah oo soo soctaa ay ku soo uruurto. Waxaa la yiri: “nin gaboobay oo xakiim ah, baa carruutiisi isugu yeeray, si uu ula dardaarmoo; “Wuxuu soo guray ulo. Mid walboo carruurta ka mid ah ul ayuu inta u dhiibay yiri; “bal jabi”. Bashkax, si fudud ayay laba qaybood uga dhigeen. Xirmo hor lehe oo ulo ah haddana, inta isku xiray oo isku adkeeyay, mar labaad mid walba ku yiri: “bal jabi!?. Ma jabin karo!. Bal adnna jabi?. Ma jabin karo!. Bal adnna jabi?. Ma jabin karo. Giddigood waa ka quusteen ulihii in ay jabiyaan. Intaa ayuu u jeedaye wuxuu yiri; “maandhooyoow, kali kali haddii la idiin helo sida usha kalida ah ayaad u jabaysaan, haddiise, mid aad ahaataan sida ulaha isku duuban ayaa la idiin kaga quusan”.

Soomaali sida feero (feedho) hilib loo gala baxo waa taqaan, sida qabiil mid ahna looga uurdooxo boqol jilib oo mid waliba “Duub” u gaar ah lee yahay waa taqaan. Tolowse; may garatay dardaaranka odaga, xikmadda ku jirta?!

Cabdiwali Sh. Maxamed
Wali_7_uk@yahoo.co.uk

13/08/2007
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”