MAAMUL CUSUB OO LA WAREEGAY GACAN KU HAYNTA JAAMACADA BURCO
www.Buraoonline.tk: 16.08.07
Munaasibad culus oo loogu talo galay Xil Wareejinta Maamul Cusub oo la wareegi doona gacan ku haynta Maamulka Jaamacada Burco ayaa manta lagu qabtay Xarunta Jaamacada ee Gobalka Togdheer.
Munaasibadan oo ay soo agaasimeen Maamulka Jaamacada ayna ka qayb galeen Madaxda Maamulka Gobalka, Xildhibaano, Salaadiin iyo Masuuliyiin kale waxaa loo qorsheeyey in xilka lagaga wareejiyo Eng Xuseen Maxamed Xandule oo ah Gudoomiyihii Hore ee Jaamacada taasi hada loo gacan geliyey Proffesor C/salaam Yaasiin Axmed oo noqon doona Gudoomiyaha Cusub ee Xilligan.
Gudoomiyihii Hore ee Jaamacada Eng Xuseen Maxamed Xandule oo kulankaas lagu sagootiyey ayaa ku tilmaamay in Xilligan Jaamacadu marayso Maqaam sare taasi oo ay haddii Waxbarashadu uga sii socoto in badan 600 Arday oo dhigta Culuumta lagu bixiyo ilaa afar qaybood oo kale duwan kuwaasi waxay ka mid yihiin kulliyadaha Xanaanada Xoolaha, Maamulka iyo Ganacsiga, Waxbarashada, iyo Culuumta Islaamka.
Gudoomiyaha wuxuu ugu baaqay Masuuliyiinta Cusub inay sii wadaan Horumarka lagu sameeyey Jaamacada Burco oo lagu dhawaaqay Furitaankeeda 19June,2004 , waxaa Maal gelinta ay ka soo jeedo qaadhaankeeda ay bixiyeen Qurba Jooga Somaliland iyo muwaadiniin kale taasi oo xilligan shaqadeeda Socoto.
Proffesor C/salaam Yaasiin oo isagu Gudoomiyaha Cusub ah ee Jaamacada Burco ayaa cadeeyey in waxqabadkani mid uu yahay Mid Sees u ah, Fikir Midaysan oo ay la iman karaan Shacbiga waxaanu balan qaadayaa in Maamulka Cusubi uu Hogaamin doono Jaamacada Nidaam Firfircoon.
Sidoo kale Munaasibadan oo qaadatay Muddo dhawr Saacadood waxaa iyagna ka mid ahaa Masuuliyiinta ka hadashay Duqa Magaalada Burco, G/kuxigeenka Gobalka Togdheer, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, iyo Xubno ka mida Qurba jooga Somaliland kuwaasi oo dhamaan Tood soo dhoweeyey Horumarka ay Sameeyeen Jaamacada Burco
www.Buraoonline.tk



