Deegaanta Kacaye Ee Degmada Taleex Oo Degan.
Aug 16, 2007 By:Jidbaale.com
Taleex(Jidbaale.com);-Wararka ka imaanay adeegaanka Kacaye oo ka tirsan degmada Taleex ee Gobolka Sool oo maalmihii tahay ay xaaladeedu kacsanayd,ayaa la sheegayaa in ay maanta degan tahay,kadib markii la kala qaaday labada ciidan ee halkaasi isku hor fadhiyey.
Kala qaadista labada maleeshiyo ayaa timi kadib markii ay maanta halkaasi gaadheen Isimo ay ka mid yihiin Garaad Saleebaan Garaad Max'ed iyo Suldaan Siciid Maxed Garaase,kuwaasi oo labada dhinac gaar ahaan Maleeshyidii dhinaca Garoowe ku qanciyey in ay dib uga baxaan deegaanka Degmada Taleex.
Codaaladan oo uu ku dhintey hal ruux labo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa ka dhalatey dhul-daaqsimeed,kadib markii Xoolo dhaqato ka soo jeeda deegaanka Garoowe ay u soo gartalaabeen Dooxada Dhumay ee degmada Taleex,taasi oo dhalisay muran dhinaca daaqa ah.



