Dadka raba in Xamar laga bedalo caasimada way qaldanyihiin waxaaana filayaa in ay dadkaa ay aqoon u lahayn xamar. Xamar waxaa dega qabiil walba marka hore, marka labaad hadii aan fiiriino sterategi ahaan waa meesha Soomaaliya ugu fiican, maxaa yeelay waxay leedahay cimilo fiican waxay leedahay dhul cagaaran beerihii afgooye ayaa u dhow waxa kalo ay ku fiicantahay uma dhawa xuddudyada wadamada aan deriska nahay, tusaale ahaan Kismaayo waxay u dhowdahay Kenya taana qatarteeda ayay keeni kartaa. Tan sedexaad Xamar waxay caasimad noqotay labo boqol oo sano ka hor, intaa ka horna magaalo weyn bay ahayd, marka dadka raba in Xamar laga bedalo caasimada waxaan ku dhihi lahaa, gacan bukta lama gooyee ee waa la daaweeyaa.
Nabadeey





