Donald Payne, the Democrat Congressman from New Jersey and head of the Subsaharan Africa Subcommittee in the International Affairs of The US COngress has visited Kenya and promised to bring attention to the genocide being committed by the Ethiopians and their lackeys.
Donald Payne is the ONLY FRIEND of Somali people in the US Government.
Donald Payne Oo Nairobi Kula kulmay Siyaasiin Somaali ah iyo Saameynta ay ku yeelatay Siyaasada Somaliya
(20-08-2007) Isbuuci la soo dhaafay ayaa siyaasadda Somaaliya laga dareemay in Dowladda Maraykanka iyo TFG ay sii ka la foogaanayaan halka Maraykanka ay xiriir fiican la sameysteen siyaasiyiin Soomaliyeed. Guddomiyaha Guddi hoosaadka qaabilsan arrimaha Afrika iyo caafimaadka Donald Payne ayaa la kulmay Dr. Culusow iyo xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi.
Kulan kaas oo ahaa mid aad la isugu afgartay ayay Donald Payne, Dr. Culusow, xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi, iyo sadex sarkaal oo ka socda safaarada Maraykanka ayaa shirkooda ka dib isku raacay guriga marxuum Cali Imaan Sharmaarke halkaas oo ay tacsi ugu tageen.
Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo isla maalmahaas la kulma safiirka Maraykanka jooga dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa canaan uusan uga baran dowlada Maraykanka kala kulmay. Mucaaradka inuu la heshiiyo ayaa la faray Colonel Cabdullahi. Markii uu si gaar ah ula kulmay Donald Payne waxaa loo sheegay sida ay Congress-ka Maraykanka uga soo hor jeedaan tacadiyada loo gaystay dadka Somaaliya khaasatan dad Muqdisho. Maraykanka Diktatooriyad ku xadgudbayso xuquuq-ul-iinsaanka ma taageerayso ayaa lagu yiri Colonel Cabdullahi.
Colonel Cabdullahi markii u Muqdisho ku soo noqday wuxuu isku dayay inuu qurxiyo shirkii uu Maraykanka la soo yeeshay. Waxaase aan la qurxin karin cadaadiska kacdoonka shacabka Muqdisho ay ku hayaan dowladiisa iyo musuqmaasuqa howl wadanada dowladdiisa.
Dalkanews.com, Nairobi



