Postby BABYGIRL123 » Sun Mar 09, 2008 1:55 pm
Toogasho Ka Dhacday Ballidhiig oo hal ruux Ku Dhintay & Qofkii Dilkaas gaystay oo Buuhodle lagu
Sunday, 09 March 2008
Xiisad adag ayaa ka taagan Xero ciidan oo ay leeyihiin mid ka mid ah maleeshiyaadka Ardaayada deegaanka Buuhoodle ka dib markii uu soo galay nin habeenimadii xalay dil ka gaystay degmada Ballidhiig, waxaana la sheegay in xeradaasi ay u soo dhowaadeen maleeshiyo la hayb ah ninkii uu dilay oo labadooduba ka tirsan degmadaasi ballidhiig, waxaana la sheegay inay baacsanayeen oo raadkiisa hayeen gacan ku dhiiglahaasi. tanina waxay keentay in maleeshiyadii xeradaasi lahayd & maleeshiyaad kale oo taageerayaa ay isku gedaamaan xeradaasi si ay u badbaadiyaan ninkaasi oo la aaminsan yahay inay Qaar ka tirsan maleeshiyada Qaraabo yihiin.
Tobanaan maleeshiyaad ah ayaa ku sii qulqulaya Aagga xeradaasi kaga taallo Buuhoodle, waxaana ay isku deyayaan in ninkaas ay ammaankiisa sugaan tan & inta lagu wareejinayo Odayaal Ardaagiisa ah oo (Yessif) oo lala xidhiidhay, halka kooxda hubaysan ee baacsanaysay ninkana (Reer Yuusuf) la isku deyayo in lagu qancin doono inay iska noqdaan.
Buuhoodlemedia.com