Postby Xaaji_Xundjuf » Tue Mar 18, 2008 4:29 pm
Shacabka Magaalada Hargeysa Oo Bilaabay Xaflado Ku Dhisan Magac Qabiil, Qaranimana Sheegta Markay Doonaan
Mar 18, 2008 By:Jidbaale.com
Hargeysa(Jidbaale.com):- Waxaa jirey shir qarsoodi ku bilaabmay oo muddo dheerna ka socday xaafadaha magaalada Hargeysa, siiba daanta Habar Awal, ee sheegata inay magaalada Hargeysa leeyihiin, wada tashi iyo gorfeyn dheer ka dib waxay hadda daabaceen waraaqaha martiqaadyada oo ay ku qoreen 'Beesha Habar Awal ee isbeddel doonka ah', run ahaantiina tallaabadani ma aha middii ugu horreysey ee ay sameeyaan.
Xafladdan ay wataan beelaha Habar Awal oo Huteello badan lagu qabanayo, ayaa waxaa si weyn u taageersan shacabka magaalada Hargeysa ee iyagu ku dulman, ka qayb qaadashada xatooyada cashuuraha laga uruuriyo masaakiinta sida yaanyada, caanaha, timirta iyo qaadka la fadhiya suuqyada magaalada Hargeysa. Shirkani oo lagu wado inuu maanta ka dhaco magaalada Hargeysa, waxaa iyaguna doc-faruur ku wada qaar uu horboodayo Ina Rayaale, oo isleh waxaaba loo soo galay dhuuntii aad ku nuugayseen hantida Ummadda.
Sidoo kale waxaa meesha ka baxday sheegashadii ay ku doodi jireen qaran baanu nahay ee qabiil ma nihi, inkastoo ay kuwo ka dhaadhiciyeen inaysan wax qabiil ah ku dhisnayn maamul ku sheegoodu, sida kuwa u adeega ee iyagu ka soo jeeda deegaanada SSCayn, balse ay maanta indhahooda wax ku arkaan, isla markaasina ay ogadeen in qabyaaladdu u furan tahay iyaga markay doonaan la soo bixi karaan markay doonaanna Qarannimo sheegaan karaan....
Hargeysa Soomaaliya
Jidbaale.com