Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

BREAKING NEWS SILANYO IS BEHIND MANDHERA PRISON

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

BREAKING NEWS SILANYO IS BEHIND MANDHERA PRISON

Postby fagash_killer » Sat Apr 12, 2008 6:03 pm

:lol: :lol:

good job udub thats how you tackle the terrorists :up:

their is no room for the snm aka the al itihaad supporters



Sat Apr 12, 2008 5:58 pm




Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa oo la xidhay iyo Muj. Maxamed Kaahin oo Xukuumaddu isku deyayso inay qabato
April 12th, 2008 [News] |

Hargeysa (Somaliland.org) - Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in amar lagu siiyey inay soo qabtaan Muj. Maxamed Kaahin Axmed. Waxaana la xidhay oo uu boolisku qabtay maanta Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Mr. Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji).

Sida ay sheegayaan dad goob joog ah koox boolis ah oo lagu soo amray inay soo qabtaan Maxamed Kaahin ayaa maanta ugu yimi Muj. Maxamed Kaahin Baar Xaraf, waxayna ku wargeliyeen inuu u raaco xarunta C.I.D-da (Laanta Baadhista Dembiyada ee Booliska) oo looga yeedhayo, balse, waxa la sheegay in uu diidey, uguna jawaabey inuu u yimaaddo cidda amarka soo siisay, iyaguna ay iska tagaan.

Waxa la sheegay mar kale in ciidan Boolis ah ay tageen Hudheelka uu deggan yahay Maxamed Kaahin ee BILAAL oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa, iyaga oo sita warqad amar qabasho ah, balse ay ka waayeen halkaas.

Lama garanayo loo doondoonayo Muj. Maxamed Kaahin iyo waxa loo xidhay Guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE, Axmed Cumar (Xamarji), iyada oo la sheegay in Guddoomiye Xamarji uu boolisku doondoonayey maalmihii u dambeeyey, iyada oo la sheegay in loo haysto inuu booliska kala baxsaday, nin hore darawal khaas ah ugu ahaa Marwada Madaxweyne Riyaale oo la yidhaahdo Abshir oo ay boolisku doonayeen inay xidhaan Khamiistii.

Hase yeeshee, Taliyaha Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad ayaa u sheegay BBC-da, laanta Afka Soomaaliga in lagu eedaynayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa, Axmed Cumar (Xamarji) Qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Guurtida Arbacadii.

Dhinaca kale, Muj. Maxamed Kaahin ayaa la sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu ka daba joogo hadal uu Khamiistii ka jeediyey xaflad loo sameeyey in ka badan 600 oo qof oo ku soo biiray Xisbiga KULMIYE, kaas oo uu ku weeraray Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), isaga oo ka jawaabaya eedayntii Wasiirku xisbiga KULMIYE ku eedeeyey qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Guurtida Arbacadii.

Warar ku dhowdhow Xukuumadda ayaa sheegaya in Madaxweyne Riyaale u soo jeediyey golihiisa wasiirrada xadhigga Muj. Maxamed Kaahin, badi wasiirraduna ay ku raaceen.

Muj. Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka mid ahaa 7dii Kornayl ee ugu horreeyey saraakiishii Millateri ee u tallaabay Itoobiya, 1982, halkaasna ka aasaasay garabkii hubaysnaa ee ururkii SNM ee dalkan ka xorreeyey taliskii Millateri ee Siyaad Barre. Waana sarkaalka keliya ee ka nool saraakiishaas.

Dadka reer Hargeysa ee maqlay isku dayga xadhigga Muj. Maxamed Kaahin ayay la yaab iyo qaadan waa ku noqotay arrintaasi, waxayna ku tilmaameen tallaabadii ugu dambeysey ee Madaxweyne Riyaale ku tijaabinayo heerka awooddiisa, una quusgoynaysa dimuqraadiyaddii iyo xorriyaddii loo soo halgamey.

Dhallinyaro kale ayaa iyana la sheegay inuu boolisku ay doondoonayaan.

Dhinaca kale, waxa maanta Maxkamad la horgeeyey Deyr Maxamed Cilmi oo ka mid ah Odayaasha muxtarimka ah ee Burco, dhowaanna ku biiray Xisbiga KULMIYE, isla markaana la qabtay Arbacadii, iyada oo Wasiirka Arrimaha Guduhu ku eedeeyey inuu ka dambeeyey Qaraxii ka dhacay Guurtida Arbacadii. Waxaana la sheegay in maxkamaddu u soo goysey 5 maalmood oo xabsi ku hayn ah isaga iyo 2 nin oo kale oo lala qabtay, kana mid ah mujaahidiintii SNM.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


Super Heavyweight

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 30 guests