


Addis Ababa(AllPuntland)-
Ciidamadii ugu faraha badnaa ee ka socda dawladda Faderaalka ee Itoobiya una dirto dalka Soomaaliya ayaa udhaqaaqay dalka Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa ka badan Sadex Jibaar ciidamada hada ka jooga Itoobiya Soomaaliya ,waxa ayna arintan ka dambeysay wada hadalo dheeri ah oo ay yeesheen todobaadkan Madaxda labadaasi wadan.
Heshiiska Xukuumada Muqdisho & Addis Ababa ayaa dhaliyey in ciidamo gaaraya 45 Kun Askari ay tagaan dalka Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa lakala geynayaan dalka Soomaaliya oo dhan ,ayadoo gobal loogu talagalay ciidamo fara badan kuwasoo amaankiisa sugaya.
Ujeedka ciidamadan faraha badan ayaa ah in ay hubka dhigaan dhamaanba dadka Soomaaliyeed oo dhan ayna dawladda Soomaaliya gacanteeda ku soo celiyaan dalka Soomaaliya oo dhan.
Heshiiska labada dal ayaa la saxiixay maalmo kooban intii uusan dagaaladu ka bilaaban Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,waxaana loogu talagalay in ay Soomaaliya nabad ka dhaliyaan.
Horey Xukuumada Itoobiya Soomaaliya waxaa uga joogey ciidan aan ka badneyn 10 Kun oo Askari ,waxa ayna hada soo dirtay ciidamo Leh Cudud & Tababaro sarre.
F. C. Geylan
AllPuntland