Postby Somalian_Boqor » Tue Oct 14, 2008 4:31 pm
Madaxweyne Yusuf oo codsaday la joojiyo dagaalka
Maxamed M. Dhoore
BBC Mogadishu
Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf Axmed, ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu uga hadlay xaaladda ammaan iyo siyaasadeed ee dalka.
Shirkan jaraa'id oo isagoo qoraal ah loo akhriyey weriyeyaasha ayaa waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday arrimo dhowr ah oo khuseeya dib u heshiisiinta iyo go'aan la sheegay in maxkamadda sare ee dalku ay ka gaartay wasiirro hore isu casilay hase yeeshee baarlamaanka dowladda KMG ahi uu diiday in ay xilalkoodii ku soo noqdaan.
Ka hor inta aanan shirkan jaraa'id la qaban ayaa waxaa kulan kooban madaxtooyada ku yeeshay madaxweynaha dowladda KMG ah iyo Ra'iisal Wasaaraha inkastoo aanan la ogayn wixii ay ka wada hadleen.
Waxyaabihii qoraalka shirkaasi jaraa'id lagu soo qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha wasiiraddii dowladda KMG ah ee dhawaan is casilay.