Somalilanders do not harm foreingers
Posted: Sat Nov 01, 2008 5:32 am
Wasiirka arimaha Gudaha ee Somaliland oo uga digay dadwaynaha wax yeelaynta Ajaanibka.
Warkii 01-Nov-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa uga digay dadweynaha reer Somaliland gaar ahaan kuwa reer Hargeysa inay wax dhibaato ah u gaystaan dadka ajaanibka ah ee ku nool caasimada, gaar ahaana kuwa reer Muqdisho.
Wasiirka oo xalay u waramayay warbaahinta dalka waxa uu intaa ku daray in qofka soo qabta ama waxyeeleeya qof aan waxba gaysan isaga la xidhi doono, loona arki doono dambiile isagu geystay dhibaato.
Arintan uu wasiirka arimaha Gudaha ee Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) uu uga digayo dadka shacabka ee reer Somaliland gaar ahaana kuwa reer Hargeisa inay ku kacaan falal ka dhan ah amni daro ama soo qabtaan qof kasoo jeeda Muqdisho iyaga oo aan u hayn wax danbiya isaga la xidhi doono ayaa timi kadib markii shacabku kaceen.
Shacabka magaalada Hargeisa ayaa waxa ay si wayn uga xanaaqeen dhibaatada baaxada wayn ee loo gaystay saddexda goobood ee kala duwan laguna qaaday qaraxyada ismiidaaminta ah taas oo ay soo baxayaan inay ka danbeeyeen qaraxyadaasi kooxaha Al-shabaab iyo dad kasoo jeeda koonfurta Somalia gaar ahaana magaalada Muqdisho.
Hadaba wasiirka ayaa waxa uu si adag uga digayaa inay shacabka magaalada Hargeisa ku kacaan fal iyaga wax udhimaya soona qabsadaan qof aan wax gaysan ama wax ugaystaan taas oo kasoo horjeeda bili'aadamnimada isagoo sheegay inay shacabku arintaasi ka fogaadaan dawladuna ku dabo jirto sidii ay usoo qaban lahayd ciddii ka danbaysay falkaasi waxashnimada ah.
Afnugaal News Desk
info@afnugaal.com