Allaah ha u naxariiste Marxuum Maxamed Siraad Doolaal wuxuu ku dhashay Gobolka Qorahay wuxuuna dugsiga Hoose iyo Dhexe ku dhigtay Magaalada Qabridahare, Dugsiga sare wuxuu ku dhamaystay Magaalada Harar, Todobaatameeyadii wuxuu shaqo ka bilaabay wakalda Horumarinta biyaha Itoobiya taas oo isaga oo u shaqeeya uu dhacay dagaalkii 1977 ee Ogade war, kadibna wuxuu u qaxay dalka Jamuuriyadda Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Xamar, wuxuu galay Kuliyadii Lafoole ee Jamicada ummadda Soomaaliyeed isga oo bartay taariikh wuxuu kadib u shaqeeyay Akademiyadii Fanka, dhaqanka iyo cilmiga ee Jaamicida hoos iman jirtay, waxaa uu cilmi baadhis ka sameeyey Antrobolijiga Soomaalida, kadib wuxuu wax barasho sare ka bilaabay 87 dalka Ingiriiska ilaa uu ka qaatay Shahaadad Doctorate.
1979 wuxuu Dolal ka mid ahaa asaasayaashii ururka dhalinyarada Gobanimodoonka Soomali-Galbeed wuxuuna noqday Guddoomiyihii ugu horeeyey ee UDHGS oo xilkaa hayay muddo dhowr bilood ah, wuxuu kadibna ka mid ahaa hoggaaminta GDH ee ururukaas muddo dheer ilaa iyo 1987.
Dr Dolal wuxuu JWXO ku soo Biiray 1989 isaga kolkaa ka hor ku halgami jira urur bulsheedkii la odhan jiray Ogaden Action Group, Shirweynihii 1aad ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya 1992 waxaa loo doortay xubin GDH waxaana loo magacabay Wakiilka JWXO ee Yurub iyo Woqooyiga America, Shirweynihii labaad ee JWXO 1998 kadib waxaa loo magacaabay Xilka Hoggaanka Arimaha Dibada JWXO ilaa 2003. Kalfadhigii Golaha dhexe ee JWXO 2004 kadib waxaa loo magacaabay Hoggaanka Cilmibaadhista iyo Qorshaynta JWXO xilkaass oo uu hayay ilaa 20





my heartfelt condolence to the family of dolaal.
