Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

SLAND VC President has said this 4 the 1st time!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

SLAND VC President has said this 4 the 1st time!

Postby KeligiiJabhad » Sun Feb 08, 2009 5:34 pm

hadhwanaag 2009-02-08 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa markii ugu horeysay maanta shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Somaliland aanay kala go’I Karin,isla markaana waxa uu soo dhaweeyay Madaxweyne Sheekh Shiriif-ka dhawaan loo doortay Koonfurta Soomaaliya iyo Xukuumadda uu dhisi doono, oo uu ku tilmaamay mid ay Somaliland aad isugu dhawaan doonaan.

Madaxweyne Ku-xigeen Yaasiin waxa uu sidaa ka sheegay mar uu maanta ka hadlayay Xaflad Casuumad ah oo uu u sameeyay qaar ka mid ah Qurba-jooga Somaliland ee taageera Xisbiga UDUB oo dalka u yimi ka qayb-galka Shirweynihii labaad ee Xisbiga oo 04-tii bishan lagu soo gebagabeeyay Hargeysa, xafladaasoo lagu qabtay Huteel Crown ee Magaaladda Hargeysa. Waxaanu Madaxweyne Ku-xigeenku ku doodaay in ay Xukuumad ahaan muddadii ay xilka hayeen dalka u soo hooyeen guulo badan oo ay ka mid yihiin, doorashooyinkii kala dambeeyay ee dalka ka dhacay, sugida Xuduudaha, dhawrida nabadgalyada iyo xidhiidhka siyaasadda arrimaha dibada oo uu xusay inay wakhtigan meel aad u fiican marayso.

“Berigii hore halkay innaga taagnaayeen arrimaha dibadu maanta inagama taagna ee aad bay uga dhaw yihiin, waxaan weliba rajaynayaa haddaynu nahay Somaliland oo aan filayaa imika maamulka qabsaday Koonfurta Soomaaliya in aynu la jaan-qaadi karno, maxaayeelay waa dhalinyaro cusub oo da’dii 1960-kii talinaysay meesha way ka baxday. Waxa weeyaan da’dii lixdankii talinaysay waa da’ ciil-qabta oo wax badani siyaasad ahan soo dhex mareen. Waxaan filayaa Sheekh Shariif in uu Qaranka Somaliland iyo Soomaaliya si fiican u kala guri doono.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dabcan Soomaaliyi kala maarmi mayso oo cid xad xidhaysa iyo cid wax oodaysaa ma jirto, sidaa Yurub baa la noqon doonaa, laakiin qolo waliba horto inay dib isu soo dhisto oo ay dib u muuqato, oo hadhaw wax la saxo. Ninna laga celin maayo Hargeysa, midna Xamar laga celin maayo, dadka khalad baa la fahan siiyay oo waxa la yidhi xad baa la xidhayaa, Ciidan baa la keenayaa oo ninna soo gudbi maayo, waxaasi waa wax dadka lagu fogaynayo ee dadku waa dadkii uun, laakiin Yurub-ba siday wax u kala leedahay ayaynu wax u kala yeelanaynaa (Soomaaliya iyo Somaliland), dadkuna sidaas ayay isu dhex soconayaan.”

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.

guryasame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 656
Joined: Tue Nov 22, 2005 4:48 pm

Re: SLAND VC President has said this 4 the 1st time!

Postby guryasame » Mon Feb 09, 2009 12:04 am

This guy is on his way out, after the election he will be turned over to majertenia for what he did to that samsaam chick, also war crimes tribunals will finally commence for former faqash crimes in former somali republic, while the victims and witnesses are alive and every penny stolen and every shady deal during the riyaale administration will be made public and pursued by an invigorated somaliland justice department...


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 21 guests