Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

xisbul islami ready for talks?

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

xisbul islami ready for talks?

Postby Somaliman50 » Wed Feb 11, 2009 8:45 am

Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo ay la qaateen Ururka Xisbul Islaam oo dhowaan ay ku midoobeen garabyo ka tirsan Muqaawamada, kuwaasoo ka soo horjeeda Dowladda uu hogaaminayo Sheekh Shariif.

Afhayeenka odayaasha Beelaha Hawiye ee dhanka Siyaasadda C/laahi Dheere oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay kulan la qaateen madaxda garabyo ka mid ah xoogagga ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ee sida aadka ah u diidan dawladda cusub ee uu hogaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif gaar ahaan ururka la magac baxay Xisbul Islaam oo ay ku bahoobeen afar garab oo ka tirsan muqaawamada oo kala ah: Jabhatul Islaam, Mucaskar Raskamboni, Mucaskar Faaruuq Caanoole iyo Maxkamadaha Islaamiga garabka Dr. Cabdi Iimaan.

C/laahi Dheere wuxuu sheegay in madaxda ay la kulmeen ee xisbul Islaam ay isku aragti ka noqdeen qodobo ay ka mid ahaayeen in si wada jir ah looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida dalka Soomaaliya, lagana hirgeliyo shareecada Islaamka, wuxuuna intaasi ku daray inay sidoo kale ka aqbaleen oo ay weliba u qoor dhiibteen madaxda xisbigaasi inay dhex-dhexaadiyaan iyaga iyo madaxweyne Shariif kaddib markii uu sidaasi codsaday madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh oo kulan Muqdisho kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo culima’udiinka Soomaaliyeed.

“Annaga odayaasha beelaha Hawiye iyo dhammaanb xoogagga Muqaawamada waxaan shalay ka mideysneyn in cadowga laga saaro dalka Soomaaliya, kitaabka Allena laga hirgeliyo Soomaaliya, maanta cadowgii wuu baxay, xoogaggii awal mideysnaana maanta fikirado kaliya ayay ku kala duwan yihiin oo ma kala foga, waxaan doonaynaa inaan helno midnimada xoogagga Muqaawamada ee halganka soo galay” ayuu yiri C/laahi Dheere oo intaasi ku daray in madaxa Xisbul Islaam oo ay kulanka la yeesheen ay iyaga wakiisheen oo ay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in la xalliyo lana mideeyo fikiradaha kala duwan ee xoogagga Muqaawamada.

Afhayeenka odayaasha beelaha Hawiye ee dhanka Siyaasadda C/laahi Dheere wuxuu sheegay inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dhex-dhexaadinta loo xil saaray isla markaana ay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta xoogagga kale ee muqaawamada sida Xarakada Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray in ay qof kasta oo wax tabanaya ama dhaliil qaba loo baahan yahay inuu soo gudbiyo si wax looga qabto.

http://www.mareeg.com/fidsan.php?sid=10428&tirsan=2

Captain24
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6716
Joined: Tue Aug 05, 2008 3:05 am
Location: In between the two "B's" Burtinle and Bacaadweyn: Xarfo

Re: xisbul islami ready for talks?

Postby Captain24 » Wed Feb 11, 2009 9:06 am

Hawiye waxaa ku nacay mixing between 'qaran' and qabiiiil. This government supposed to be Unity government, what's up with the tittle like 'Odayaasha Hawiye' this and that?

Never learn the concept of government

User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: xisbul islami ready for talks?

Postby Somaliman50 » Wed Feb 11, 2009 9:11 am

captain, i agree, clan elders shudnt be involved that much


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: barbarossa and 24 guests