Page 1 of 1

Mr.Meles Zenaawi Oo Ka' Acuudu-Bileystay In Shiikh Shariif

Posted: Thu Feb 12, 2009 8:06 am
by Twisted_Logic
:lol: :lol: :lol: :lol:

This is Somali Media for you :lol:


Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif ayaa wuxuu qorsheynayey kulan uu la lahaa Ra'iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Mr. Males Zenaawi .

Madaama uusan luqadda Ingiriiska ku fiicneyn Shiikh Shariif ayaa waxay tarjumaanadiisa u sheegeen in uu hadalka ku bilaabo “How are you?" oo la macno ah “Sidee tahay?" Mr. Melesna uu ku jawabi doona “ I am Fine” oo ah “Waan fiicanahay” dabadeedna wuxuu raacin doonaa “And You?” oo ah “Adiguna?” kolkaas waxaad ku jawaabtaa “Me too” oo ah “Aniguna sidoo kale”. Intaa wixii ka dambeeya howsha anagaa sii wadi doona ayey tarjumaanadiisii ku yiraahdeen madaxweyne Shariif.

Mar alla markii ay kulmeen madaxweynihi shiikh shariif iyo Ra’isul Wasaarahii Males ...ayaa waxaa uu Madaxweynihi Shariif si khalad ah u yiri “ Who are you?” oo macnaheedu uu yahay “Kumaa tahay” balse uu ula jeeday “How are you?” Mr. Males oo yaaban dhinacyadana fiir fiirinaya ayaa isagoo yaaban ku jawaabay "I am Prime Minister of Itobia" oo ah "waxaan ahay Ra'iisal Wasaarihii Itoobiya" Meles wuxuuse warkii si raaciyey “And you?”, Madaxweynihii Shariif oo sugayey ereygaas dambe ayaa ku jawaabay "Me too" oo la micno ahayd “anigana sidoo kale”, jawaabtan dambe waxay si aad uga yaabisay Mr. Meles oo u fahmay in uu madaxwynuhu leeyahay "anigana waxaan ahay Ra'iisal Wasaarihi Itoobiya"

----Sida la filayo Mr.Males oo bilaabay inu dibnihiisa ruugo warkaas kama noqon maqsuud waana ka diday isagoo u qaatay in Shariifka iyo Islaamiyiintiisa ay weli niyada ku sii hayaan hagardaameynta itoobiya oo u hanqaltaagayaan ineyba Mustaqbalka madax ka noqon-doonaan Adisababa.....Meles waxuu ku sigtay inu shariifka ku yiraahdo " dabaad ololineysa dib u joogso waan kula dacwin, doodna waan celin"

http://www.galdogobtimes.com/index.php? ... &Itemid=31

Re: Mr.Meles Zenaawi Oo Ka' Acuudu-Bileystay In Shiikh Shariif

Posted: Thu Feb 12, 2009 10:11 am
by sheekh-Farax-zero
funny cheap propaganda

Re: Mr.Meles Zenaawi Oo Ka' Acuudu-Bileystay In Shiikh Shariif

Posted: Thu Feb 12, 2009 11:39 am
by AhlulbaytSoldier
:lol: :lol: :lol:
Haters :down:

Re: Mr.Meles Zenaawi Oo Ka' Acuudu-Bileystay In Shiikh Shariif

Posted: Thu Feb 12, 2009 2:40 pm
by abdirisak22
cheap shot but funny..... did he not had translator with him? at least Hutuking kind?