Postby Somaliman50 » Mon Feb 23, 2009 4:46 pm
Xadgudubka Diineed
Waxay Culumadu caddaynayaan:-
Inay waajib tahay in lagu dhago laguna toosnaado Manhajka Ahlusunna waljamaca ee dhexdhexaadka ah dhammaan arrimaha diineed ee qofka muslimka ah, lagana fogaado wax alla wixii xadgudub ama gaabin diineed ah, gaar ahaan arrimaha dhiiga, xoolaha, iyo sharafka Qofka muslimka ah sida uu allahba yiri S.W: {وكذلك جعلناكم أمة وسطا لتكونوا شهداء على الناس}
In dhammaan arrimaha diineed looga danbeeyo loolana laabto culumada ku xeesha dheer aqoonta diineed, laguna yaqaan Ammaano, Daacadnimo iyo Alla ka cabsi, gaar ahaan waqtiyada Fitnadu jirto, sida uu allaahba yiri S.W. { وإذا جاءهم أمر من الأمن أ والخوف أذاعوا به ولو ردوه إلى الرسول وإلى أولي الأمر منهم لعلمه الذين يستنبطونه منهم....}
In laga digtoonaado ku degdegidda Gaaleysiinta ruuxa muslimka ah iyo riddo ku xukunkiisa, taas oo lagu banneysanayo dhiiggiisa, xoolihiisa iyo sharafkiisa, maxaa yeelay xukunka arrinkaas waxaa geli kara oo kali ah Culumo u khaas ah, kuwaasoo cuskanaya ama tixgalinaya Xuduudaha uu sharcigu u dhigay arrintaas oo ah:-
- Inay qofka ka dhacdo arrin keeni karta gaalnimo dhab ah
- In la helo Shuruudaha sharcigu u dhigay gaalaysiinta
Shakhsiga.
- In laga waayo wax ka horjoogsada in lagu rido Xukunkaas
Gaalaysiinta ama ridada ah.
· Waxaa xadgudub diineed ah Dilka, afdubka, dhaca, iyo dhibateynta loo geysanayo hay'adaha iyo dadka gaarka ah ee ku soo galay waddanka Dammaanadda jiho ama qof Muslim ah, hadday dhacdo inay ku kacaan hay'adahaas ama shakhsiyaadkaas wax xadgudub ku ah dadka diintooda ama akhlaaqdooda, waxaa waajib ah in lagala xiriiro cidda Damiinka ka ah.
Dhaqangelinta Shareecada Islaamka
Maaadaama ay sharecadu tahay waajib diini ah, dalabka shacabka, Furaha Amniga iyo Musaalaxada, waxaa wajib ku ah dowladda ianay qaadato go'aan cad oo ah ku dhaqanka shareecada Islaamka si Buuxad, si ay taasi u dhacdana waa in baarlamaanku soo saaro si dhab ahna ugu dhawaaqo arinkaas muddo sagaashan cisho gudahood ah laga bilaabo 01/03/2009. taas oo asaas u ah taageerada shacabka iyo kalsoonidiisa.
4. Axdiga Ku meelgaarka ah
Kadib markay Culumad dib u eegeen Axdiga ku meel gaarka ah ee dawladda waxaa uga soo baxay qodobbo ka hor imaanaya shareecada islaamka, islamarkaana ka hor imaanaya qodob isla Axdiga ku yaalla oo xusaya: - in shareecada islaamku saldhig u tahay shuruucda qaranka – sida ku cad Qodobka 8'aad, faqradiisa 2'aad, sidaa darteed waxaa waajib ku ah dowladda inay ka saarto Axdiga ku meelgaarka ah qodob kasta o ka hor imaanaya shareecada islaamka, si taas loo helana waa in loo xilsaaraa Dib u eegidda Axdiga iyo sixidiisa Culumo ku xeel dheer Shareecada Isalaamka laguna kalsoonyahay Ammaanadooda iyo Cilmigooda.
5. Ciidamada Shisheeye
Kaddib markaan miisaanka sharciga ah saarnay arrinka ciidamada
Shisheeye ee wadanka joogo, waxaa noo soo baxay arimaha soo socda:-
· Ciidamada wadanka joogo kuma imaan qaab waafaqsan shareecada Islaamka iyo doonista shacabka midna.
· Ciidamadaan sii jogitaankoodu waa mid aysan shareecadu ogolayn ummadduna aanay raalli ka ahayn.
· Joogitaankoodu waxaa uu dhib ku yahay ummadda diinteeda, Anshaxeeda, Amnigeeda iyo madaxbananideeda.
Sidaa darteed waxaa waajib ku ah dowladda:-
· Inay dalka ka saarto ciidamada hadda joogo ugu badnaan mudo 120 cisho gudahood ah taas oo ka bilaabanaysa: 01/03/2009.
· Habka lagu saarayo waa inuu noqdo hab aan dagaal ahayn, sababta oo ah:-
- Shareecadu waxa ay qabtaa in hadafka lagu gaaro hadba dariiqada ugu fudud uguna dhib yar ee aan sharciga khilaafsanayn.
- Waxaa waajib sharci ah Xifdinta Dhiigga, Hantida iyo sharafka shacabka, oo aan sabab loo noqon dhibaato gaarta ayadoo la baajin karo.
[SIZE="4"]· Mudadaas gudaheeda waa in aysan ku kicin Ciidammada hadda jooga falal dhaqdhaqaaq dagaal, isbaahin iyo dhibaatayn shacab toona, iygana waa in aan la weerarin.[/SIZE]
· Waa in aan sinaba loo soo kordhin, ama aan loo keenin Ciidamo kale oo cusub.
6. Mujaahidiinta ka soo horjeeda dowladda
Waxaa waajib ku ah mujaahidiinta dowladda ka soo horjeeda, isla markaana ah maslaxad sharci ah, ummadduna ka sugeysaa arrimaha soo socdo:-
· Inay wax ka abuuraan Jawi nabadeed iyo fursad lagu xaqiijin karo arrimaha aan ku soo xusnay qodobbada ( 3,4,5 ) isla markaana ka qaataan kaalin sidii loo suurtogalin lahaa fulinta arrimahaas.
· Ianay ka fogaadaan wax alla iyo wiixii keeni kara dagaal af iyo addinba, inta lagu guda jiro fulinta arrimahaa kor ku xusan.
7. Haddii sida la soo sheegay wax u fuli waayaan
Haddii uu yimaaddo xad gudub lagu sameeyo fulinta go'aammada kor lagu soo xusay, amaba lagu fulin waayo xilligii loo qabtay, Dhinac kali ah go'aan ma qaadan karo, waxaase arrinkaasi uu u noqonayaa oo caddeynaya Hay'adda Culumada Soomaaliyeed, waxaana Go'aan ka gaaraya Ahlul xalli Walcaqdiga .
8. Musaalaxada iyo heshiisiinta
In la heshiisiiiyaa dadka walaalalaha ah waa waajib sharci ah,
Waxa ayna ka mid tahay waxyaabaha waaaweyn ee allah
Loogu dhawaado S.W. sida uu Allah yiri:
{ لاخير في كثير من نجواهم إ ن مر بصدقة أو معروف أو إصلاح بين الناس}
Rasuulkuna wuxuu yiri S.C.W:
" ألا أدلكم على أفضل من درجة الصلاة والصيام والصدقة؟ قالوا بلى يا رسول الله صلى الله عليه وسلم، قال: إصلاح ذات البين، فإن فساد ذات البين هي الحالقة، لا اقول انها تحلق الشعر ولكنها تحلق الدين" أخرجه أحمد والترمذي وابن حبان وغيرهم من حديث أبي الدرداء.
Sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah inay ka fogaadaan wax alla iyo Wixii keeni karaya dagaal iyo dhiig dhexdooda ka daata af Af iyo addinba, taas oo keeni karta halaag aduunyo iyo mid aakhiro.
Waxaan ugu baqeyna in si degdeg ah ay u joojiyaan wax alla iyo waxii sabab u noqon kara kala fogaanshaha, kala tagga iyo is nacaybka.
Waxaan ugu baaqeynaa inay isu dhimriyaan isun dabacsanaadaan. Waxaan ugu baqeynaa in cid waliba ogaato in wadajirka oo kali ah lagu xaqiijin karo waxa alle raalliga ka yahay, ummaddana maslaxaddeeda ah.
Waxaan ugu baqeynaa in mashaakil walba oo la soo darsa dadka walaalaha ah dhexdooda in lagu xalliyo wadahadal si waafaqsan shareecada islaamka, lagana hor mariyo danta guud midda gaarka ah, Hay'adda Culumaduna waxa ay sii wadeysaa Musaalaxada iyo Heshiisiinta inta ay ka mirodhalayso inshaa'allah .
9. Waxaan ugu baaqeyna dhamman shacabka Soomaaliyeed (shacabka, Mujaahidiinta ka soo horjeeda dowlada, Baarlamaanka & Xukuumadba gaar ahaan kuwii dalka cadowga keenay inay Towbad keen dhab ah la yimaadaan diintoodana qabsadaan, culumadoodana ka danbeeyaan, gacmahana isqabsadaan, xaqqana isuguna kaalmeeyaan.
Ugu dambeyn culumadu waxay u tacsiyeynayaan dhammaan ummadda soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay xilligii la soo dhaafay naf iyo maalba waxayna allaah uga baryayaan inuu siiyo badel khayr qaba, dhaawacoodana bogsiiyo dhibaatadoona xaliyo.
وبالله التوفيق
Shirka Culumada SoomaaliyeedReal_1