Looks like O.G Indhacadde wants to join Amiir Sh.Sharif
Posted: Sat Mar 07, 2009 6:05 am

Sheekh Yuusuf Indhacadde oo Sheegay in hadii ay Fuliso dowladda KMG ku dhaqanka Shareecada Islaamka Laga yaabo in uu ku biirayo.
Posted: 3/7/2009 7:38:00 AM
Shabelle: MUQDISHO
Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa Sheegay in Laga yaabo in uu ku biiro dowladda KMG Soomaaliya hadii ay Fuliso ku dhaqanka Shareecada Islaamka .
Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde oo ka mid ah siyaasiyiinta ka tirsan Beesha ceyr ee ka soo horjeeda dowladda uu madaxweynaha ka yahaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isagoo oo xalay u waramayay idaacada Shabelle waxaa uu sheegay in hadii labada Barlaman ee la isku daray ay isku raacaan in diinta Islaamka dalka lagu dhaqo,dowladuna ay ka dhabayso arintaasi ay suura gal tahay in uu ku biiro dowladda KMG Soomaaliya.
"koley Wax xariir ah oo aan isla samaynay malahan,balse hadii ay Kitaabka Illaaheey iyo Sunnada Rasuulka Qaataana ciddii intaasi wax ku xakumayso ma diidi karno,waxaana laga rabaa Barlamanaka in ay iclaamiyaan in ay kitaabka illaahey qaataan oo waxii ay sharci dajin ku sheegayeena ay ka katagaan hade markaasi ayaan go'aan ku biiris ah ka qaadan karnaa"ayuu yiri Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde.
Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde ayaa mar wax laga weydiiyay sida uu u arko dagaalada dhawaanahaan ka soo cusboonaadaya Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in aanu raali ka aheeyn in laga dhex dagaalamo dadkii reer Muqdisho ee mudada Labada sano ka qeyb qaadanayay Jihaadkii ciidamada Ethiopia looga saaray dalka,hase ahaatee loo baahanyahay in cidii dagaal qaadaysa ay si toos ah u weerarto cidda ay bartilmaameedsanayso oo aysan shacabka madfac ka dhex tuurin.
Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in uusan ogyen kulan ay isugu yimaadeen Wasiiro,xildhibaano iyo waxgarad ka tirsan Beesha Ceyr oo lagu taageerayo dowladda KMG,isagoona dafiray in uu kulan la yeeshay masuuliyiinta Beesha Ceyr ee ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Hadalka Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde ee uu ku sheegay in uu ku biirayo dowladda hadii ay ku dhaqanto diinta Islaamka ayaa ku soo aadaya xili in badan uu madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka dhawaajiyay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay ay dalka ku dhaqi doonto diinta Islaamka.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageyso wararka 8:00-Subaxnimo maalin walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
Shabelle Media Network - Source of Somalia News
Mashallah
Takbir! Allaahu Akbar