Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka ayaa sheegaya in iska hor imaad la isu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Buulo Xaaji oo dhaca duleedka Magaalada Kismaayo.
Waraka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in iska hor imaadkaas uu sababay ilaa iyo hada dhimashada ilaa afar ruux iyo dhaawaca 9-kale, waxaana ilaa iyo hada la ogeyn sababta uu dagaalka ku bilowday.
Dagaalka ayaa ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Buulo Xaaji waxaana dagaalka uu ahaa mid si weyn looga dareemay gudaha Magaalada Kismaayo.
Faah faahin rasmi ah lagama haayo dagaalka, hase yeeshee waxay wararku sheegayaan inuu dagaalka dhex maray Hogaamiye ka tirsan Kooxda Raaskambooni oo Ciidamo uu watay ay weerareen Mucaskarka Caanoole oo ay ku mataaneysan yihiin Maamulka Islaamiga Kismaayo.
Maalmihii u dambeeyay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa laga dareemayo khilaaf ku saleysan xagga maamulka, iyadoona dhinacyada Islaamiyiinta ee ku mideysan Maamulkaas ay aad isugu khilaafsanaayeen arrimaha Maamulka oo waqtigiisa uu dhamaaday.
Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com





