By Somalimirror on 10 May, 2009 12:48 PM in Main, Wararka
Qadar Daqiiqado kahor ah ayaa wariye ka Socda Shabakada Warbaahinta Somalimirror waxa la soo tusiyey Dhowr Gawaarida Tignikada loo yaqaano oo ay ku Rakiban yihiin Qoryo Cul Culus isla markaana ay la socdaan Ciidan ka badan 50 Askari oo Hubkooda wata iskuna soo Dhiibay Xoogaga Xisbul Islaam.
Ciidamadan iyo Gawaaridan Tignikada ah ee isku soo Dhiibay Xisbul Islaam ayaa ka tirsanaa Ciidamadii MMI Garabka DKMG ah ku biiray sida Shabakada Warbaahinta Somalimirror ka war heshayna waxa ay ku Go,doon sanaayeen Xarunta Xisbiga iyo Isbartiibada.
Garaarida loo soo bandhigay Shabkada Warbaahinta Somalimirror.com ayaa kala ah sida tan.
1. Gaari Mati Biish ah oo uu ku rakiban yahay Qoriga Shilkaha.
2. Gaari abu Ukun ah oo uu ku Rakiban yahay Qoriga BTM-ka.
3. Gaari Abu Ukun ah oo uu ku rakiban Yahaya Qoriga Seekaa uuga.
4. iyo 2 Cabdi Bille oo ay ku Rakiban yihiin 2 Qoray oo Dhashiika yaal ah.
Wariyaha ka tirsan Shabakada Warbaahinta Somalimirror ee la soo Tusiyey Gaadiidka iyo Ciidanka isku Soo dhiibay Xisbul Islaam ayaa Sheegaya in ay Ciidamadan Hubkooda heysataan oo aan hubkadhigis lagu sameyn.
Sidoo kale wariyaha Shabkada Warbaahinta Somalimirror ayaa Sheegay in Xisbul Islaam uu Gudi u sooray Ciidankan iyo Tignikadan isku soo Dhiibta.
Faahfaahinta iyo Sawirada Tignikadan iyo Ciidan kan is dhiibay Dib ayey Shabkadu idin kaga soo gudbin doontaa Insha’Allah.
http://www.somalimirror.com/2009/05/10/ ... o-dhiibay/




