mareeg.com is reporting this
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa wali dagaal adag kula jira Xoogaga ka soo horjeeda ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam, iyadoona dagaalka uu yahay mid aad u xoog badan.
Dagaalada oo soo bilowday xalay ayaa saaka sii laba lixaadsaday, waxaana jawiga magaalada uu yahay mid aad u kacsan.
Ciidamada Dowladda ayaa la wareegay goobo muhiim ah oo ay joogeen Xoogaga ka soo horjeeda, sida Suuq Bacaad, Siinaay, Afarta Jardiino iyo Saldhiga Degmada Yaaqshiid.Mid ka mid ah saraakiisha Dowladda oo howl gelinayay Ciidamadii Dowladda ee kol hore lagu soo tababaray dalka Ethiopia ayaa u sheegay Mareeg.com, in ay inta badan ka saareen goobihii ay shalay qabsadeen Xoogaga ka soo horjeeda.Xoogaga Xisbul Islaam oo dagaal ba'an ku soo qaaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa laga eryay meelo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen, waxaana la ogeyn qasaaraha gaaray.
Ciidamada Dowladda ayaa haatan isku fidinaya goobo hor leh, sida Suuqa Towfiiq, Ayaandaran iyo Baar Ayaan, halkaasoo dhamaan ah meelaha ay aad ugu xoog badan yihiin Xoogaga ka soo horjeeda.




