The Prime Minister Of Somalia Headed For Puntland.
Muqdisho:Ra'isal wasaaraha Somalia oo safar ku tagaya Puntland
13. maj 2009
Muqdisho(AllPuntland )-Warar ku dhaw dhaw xafiiska Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid ayaa sheegaya in Ra'isal wasaaruu uu safar ku tagi doono maalmaha fooda nagu soo haya Maamullka Puntland.
Ra'isal wasaare Cumar C/rashiid ayaan warar dheeri ah laga heyn safarkiisa Puntland iyo waxa uu quseeyo laakin warar la helayo waxaa ay sheegayaan in uu martiqaad ka helay Maamulka madaxweyne Faroole.
Wasiirka ganacsiga xukuumada Somlaia C/rashid Ciro ayaa todobadkaan bialwgiisi waxa uu gaaray magaalada Galkacyo ee Maamulka Puntland halkaas oo uu la yeeshay kulamo mas'uuliyiin dhanka amaanka ah iyo wasiiro .
Safarka C/rashid Ciro wasiirka ganacsiga dawlada Somalia ayaa ah mid uu ugu gogol xaarayo imaanshaha Cumar C/rashiid Ra'isal wasaaraha Somalia ee Puntland.
Safarka Ra'isal wasaaraha aya hadii uu suurtagala waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee uu ku tagaa Puntland tan iyo marki xilkaa loo dhaariyey.
Cumar C/rashiid Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa aabihi C/rashiid Cali Shar'marke waxaa uu dalka Somalia ka soo noqday madaxweyne iyo Ra'isal wasaare lixdamaadki waxaana dhalasha ahaan uu ka soo jeeda Puntland.
Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland




