Muqdisho:"Dagaalka waa joojineynaa hadii uu iska casilo shariifka madaxweynaha uu sheeganayo" Hogaamiyaha xisbul islaam
14. maj 2009
Muqdisho(AllPuntland )-Dr:Cumar Iimaan Abubakar gudoomiyaha ururka Xisbul islaam ayaa sheegay in dhinacooda ay dagaalada joojinayaan hadii uu xilka madaxweynanimo iska casilo madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.
Cumar Iimaan oo ka qeybgalayey barnaamijka “Ma waraa’al Khabar” ee ka baxa TV-ga Al-Jazeera ayaa sheegay in dagaalada ay hakan karaan hadii uu shariif ka tanaasulo madaxweynaninamada u sheeganayo.
Waxa uu sheegay in iyaga ay dagaalka kula jiraan dawlada oo uu sheegay in ay tahay mid ka been sheegtay shareecada islaamka balse aanay la dagaalameynin Sharifka shaqsiyadiisa.
“shariif hadii aan isaga si gaar ah ula dirireyno waa la arkaa ee haka tago bal xilka loo soo dhoodhoobay ee Mareykanka iyo reer galbedka sameeyeen” ayu yiri Cumar Iiman.
Cumar Iiman ayaa hadalkisa waxaa laga dhadhansanaa in ay daneynayaan in ay qabtaan talada dalka oo ay dhisaan dawlad Islaami ah sida uu sheegayo.
Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland




