Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaalo u dhaxeeya labo Urur Diimeed oo ka dhacay Degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.
Dagaal aan la ogeyn qasaaraha uu geystay ayaa duhurnimadii maanta ku dhexmaray dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna Waljamaaca iyo xarakada Ururla Shabaab deegaanka Wabxo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Goobjoogayaal ku sugan deegaankaasi oo ay la xariirtay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in gacan ku heeynta Magaaladaasi ay si buuxda u hanteen dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna kuwaasi oo maanta kula dagaalamay nawaaxiga iyo gudaha Magaaladaasi xarakada Al Shabaab.
Qaar ka mid ah saraakiisha Al Shabaab ayaa dhinacooda waxaa ay u sheegeen Shabelle in dagaalkaasi uu jiray oo ay ku soo qaadeen dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna islamarkaana uu wali ku dhexmaryo dagaalku deegaankaasi Wabxo.
Dagaalkani ayaa waxaa uu daba socdaa dagaalo horay ugu dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud labada Urur Diimeed oo waqtiyadii u dambeeyay isku hayay gacan ku heeynta degmooyinka gobolka Galgaduud.



