Postby Somalian_Boqor » Sat Jun 20, 2009 4:24 pm
Barlamanka Soomaaliya oo wadamada dariska ah ka codsaday in ciidamadooda 24-saac gudahood ay ugu soo diraan Soomaaliya.
Shabelle: MUQDISHO
Gudoonka Barlamanka KMG Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe oo goordhow Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu wadamada dariska la ah Soomaaliya ka codsaday in ay ciidamadadooda Saacadaha soo aadan ay u soo diraan Soomaaliya.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu Shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay arimo dhowr ah waxaana uu ugu hureyn Wadamada Kenya.Jabuuti,Ethiop ia iyo Yemen uu ka codsaday in 24-saac gudahooda ay ciidamo u soo diraan Soomaaliya maadama sida uu shegay awoodii dowladda KMG Soomaaliya ay wiiqeen xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.
Waxaa uu tilmaamay in go’aankani ay ka fadhiisteen mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya islmarkaana ay isla garteen in wadamada dariska la ah Soomaaliya ay dalka u Soo diraan ciidamo Caawiye dowladda KMG Soomaaliya oo uu sheegay in jiritaankeeda ay haatan qatar ku jirto.
Dagaalada looga soo horjeedo dowladda KMG Soomaaliya ayuu sheegay Sheekh Aadan Madoobe in uu hogaaminyo sarkaal sare oo ka tirsan Al Qaacida oo u dhashay wadanka Pakistaan sida uu hadalka u dhigay.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in wadamada dariska la ah Soomaaliya ay halis ku jiraan hadii meesha ay ka baxdo dowladda Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in iyana weerar lagu yahay sida uu carabka ku dhiftay.
Hadalkaani ayaa imaanaya xili Dagaalo xoogan ay ka socdaan Goobaha Mucayinka ah ee ay gacanta ku heyso dowladda KMG Soomaaliya halkaasi oo ay isku heystaan ciidamada dowladda KMG iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeada.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.