Sheekhu waxuu safar xajka ah u aaday dalka Sacuudiga si uu u soo guto waajibaadka xajka isagoo sii maray wadanka Yemen ayaa ugu dabeeyntii waxuu safar dhulka ah oo dheer dabadeed gaaray magaaladaii maka ee barakeeysneeyd hase ahaatee sida ku cad taariiqda Xaaji Cali Majeerteen waxuu ilaaladii Masjidka barakeeysan kala kulmay Cunsurinimo iyagoo u diiday inuu galo Masjidka amar la aan.
Xaaji cali majeerteen markaas ayuu warqad ku qorneeyd afka carabiga oo weliba gabay ahayd waxuu u qoray boqorkii sacuudiga ka talinjiray markuu boqorkii arkay warqadii ayuu canaantay waardiyayaashii xaramka kuna amray ineey sii daayaan Xaajiga markuu xajkiisa dhameeystayna waxuu boqorka codsaday inuu xaaji Cali la kulmo.
Markii Xaaji CaliMajeerteen iyo boqorkii ay kulmeen ayuu boqorkii weeydiiyay Meesha uu xaajiga ka yimi iyo weliba waxa uu yahay Xaaji Cali waxuu ku jawaabay gabay carabi ah oo abtirsiinyo loo bixiyay markii dabana uu xaajiga af Soomali u badalay waxuuna ahaa gabaygii oo Soomaali ah
Baha baha hadday tahay bahda Haajiraan ahay
Binu Cuqayl biyaha Jeberti nin ka beermay baan ahay
Daarood bartiisiyo beerkiyo laftaan ahay
Dadku baari kala roone baafane Hartaan ahay
Majeerteenka sida buurta u ballaartay baan ahay
Cumarkaas(Reer Cumar) burhaantiis bogga loo geshaan ahay
Boqorku waa Jibraahiile anna baashigaan ahay.
Intaas ka dib ayuu boqorkii waxuu la yaabay sida uu Xaaji Cali Majeerteen carabiga iyo suugaanta uu u yaqaanay waxuuna boqorka siiyay Xaaji Cali dhul weyn oo uu dego.



