Xoogaga Islaamiyiinta oo soo buuxiyay goobihii shalay laga saaray kadib markii ay isaga soo carareen Ciidamada Dowladda
Xoogaga Islaamiyiinta ee dagaalka adag kula jira Dowladda KMG ayaa soo buuxiyay oo dib ula wareegay goobihii shalay laga saaray ee ay ku sugnaayeen maalmihii u dambeeyay kadib markii halkaas isaga carareen Ciidamada Dowladda.
Dagaal kooban oo xalay maqribkii iyo galabnimadii shalay ka dhacay aagagii la isku fara saaray ayaa hadana Xoogaga Mucaaradka dib ula wareegeen kadib markii ay la yimaadeen cudud milateri oo dheeraad ah taasoo suura gelisay inay isaga cararaan Ciidamada Dowladda.
Goobaha haatan lakala joogo ayaa ah goobihii maalmihii u dambeeyay ee deegaanada waqooyi, waxaana ay yihiin labada dhinac kuwo is hor fadhiyay oo rasaas goos goos is weydaarsanayay.
Xoogaga Islaamiyiinta ayaa ku sugan Beexaani, Nasiib Buunde, xaafado ka tirsan Shibis, C/casiis iyo Kaaraan, kuwaasoo ahaa meelihii maalmo ka hor la wareegeen isla markaana shalay xoog looga saaray.
Afhayeen u hadlay Xoogaga Islaamiyiinta ayaa sheegay inay saaka joogaan goobihii maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen, waxaana uu sheegay inay qabsadeen Isbitaalka Keysaney oo shalay Saraakiil ka tirsan Dowladda ay ka qudbeeyeen.
Inkastoo dagaalkii shalay kula wehliyeen Ciidamada Dowladda kuwa AMISOM oo taangiyo watay ayaa hadana shalay casir liiqii ay isaga soo baxeen jiida dagaalka AMISOM, taasoo keentay in Ciidamada Dowladda iyagana soo faarujiyaan.
Ma jirto sarkaal u hadlay Dowladda oo shalay guulo caga gaaban noqotay ka sheegatay dagaalada, hase yeeshee Ciidamada Dowladda ayaa ah kuwo looga bartay in meelaha ay qabsadaan ay dib isaga soo baxaan.
Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com






