Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

calanka Somaliya wa maro aananbadalikariqadiyada Somaliland

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

calanka Somaliya wa maro aananbadalikariqadiyada Somaliland

Postby MALMAHA » Mon Jul 13, 2009 10:08 pm

http://lughaya.com/2009/07/13/salaadiin ... baareeyey-

:sland: :sland:
Salaadiinta Iyo Cuqaasha Beelaha Maxamed Case Oo Cambaareeyey Jid-Gooyadii Raga Lagu Dilay, Baaq Nabadeey U Jeediyay Beelaha Ku Dirirsan Ceel Bardaale, Kuna Tilmaamay Calankii Somaliya Ee Shalay Mid Aanan Meeshiisii Joogin
.Posted in July 13th, 2009 by lug in NewsBoorama- :sland: :sland: :sland: (Lug)-
Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgarad tiro badan oo Beelaha Maxamed Case ka socday ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadii lagu qafaashay 4ta nin ee daraad,
isla markaana baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dirirsan jiida Ceel-bardaale. sidoo kale waxa ay salaadiintani cambaareeyeen mudaharaadayaashii shalay ee lulayay calanka Somaliya oo ay tilmaameen in uu tahay mid aanan meeshiisi joogin isla markaana ah maro aanan waxba ka badalikari size]

Sul. Cabdiraxmaan Muuse Geele oo ugu horaynii ka hadlay shirkan Jaraa’id ayaa si kulul u cambaareeyey waxa uu ugu yeedhay Qaadicu-dariiq ka baxsan dhaqanka islaamka oo ay ku kaceen kooxdii sida naxariisdarada ah u dishay afra qof ee aanan waxba galabsan. suldaanku waxa uu guud ahaanba ka tacsiyadeeyay eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ragii gardarada lagu dilay. sidoo kale waxa uu suldaanku baaq nabadeed u soo jeediyay beeelaha ku dirirsan Ceel-bardaale waxana uu yidhi ” Walaalayaal dagaalka jooja oo ogaadain aanu dagaal wiil ku dhalan ee uu wiil ku dhinto, isla markaana ogaada intuu doono dagaalku ha qaatee”. Waxa kale oo uu Sul. Cabdiraxmaan Sheegay in Guurtida, Salaadiinta, Aqoonyahanka, Cuqaasha iyo Xukuumaduba in looga baahan yahay in ay xil iska saaraan soo qaqabashada budhacadii jidka gashay iyo nabad ka aslaaxiinta beelaha wali dirirsan. Suldaanku waxa kale oo uu xusay in loo baahan yahay in maanta xil la iska saaro sidii lookala dhex galilahaa beelahan walaalaha ah maanta, waxa kale oo uu tacsi u diray eheladii wiilkii shalay galainkii dambe ku dhintay mudaharaadadii Boorama.



Cheif Caaqil Daahir Cismaan Cilmi oo isaguna ka hadlay madashashan ayaa xusay in aan mudaharaadadii shalay ka dhacay Boorama lagu tilmaami karin kuwo ay cidi ka dambayso waxana uu yidhi ” Majirto cid ka dambaysaa, waxa ay ahjayeen dhaliyaro qiirootay, waxanan u sheegayaa in loo baahnaa mudaharaad nabdoon”. Mar uu ka waramayay calamadii maalintii shalay ay mudaharaadayaasha qaar siteen aya yidhi ” waan cambaaraynayaa calankii Buluuga ahaa ee shalay la qaatay, waxa aan leeeyahay calanku waa maro mana taal sabab uu u waxyeeleeyo go’aanka qaranimada Somaliland. hana la ogaado in calankaas intii lahaydba anay waxba ku hayn lama huraankuna uu yahay calanka midabada leh ee Somaliland. Ch. Caaqilku waxa kale oo uu si kulul ugu tilmaamay dhacdo ka baxsan dhaqankii Soomaaliyi lahaan jirtay falkii foosha xuma ee ay ku kaceen koox waxma garato ah oo jidka u galay dad safar ah mid aanan la aqbali karin loona baahan yahay in sharciga la horkeeno cidii ka dambaysay. Cheif Caaqil Daahir mar uu ka waramayay xaalada dagaalka Jiida Ceel-bardaale waxa uu yidhi ” Waa lama huraan in nabada la qaato lana soo afjaro colaada waxana uu yidhi ” ninbaa bari la yidhi ma dhamaaday dagaalkii oo yaa laga adkaaday, waxana uu ku jawaabay INTA CID CIIL QABTAA JIRTO CIDNA LAGAMA ADKAAN sidaas aawadeed walalayaal nabada qaata oo dagaalka jooja. Waxa kale oo uu ugu baaqay dhamaan cid kasta oo lug ku leh dagaalka jiida Ceel-bardaale in ay isku noqoto, ka waantawdo waxa ay faraha kula jirto isla markaana Caqlifayoow ku fikirto.



Waxgarad Cismaan Barkhad Xirsi oo isaguna ka hadlay shirkan ayaa yidhi ” Waxa ku soo kordhay ilaa daraad dhaqanka umada in wadooyinka loo galo safarka lana laayo, waxana hubaal ah in ay tahay dhacdo naxdin badan oo aanan loo baahnayn soo noqnoqodkeeda waxana uu intaas raaciyay hadii la iska soo afjari waayo waa hubaal oo way faafaysaa ee haloo guntado sidii loo soo afjari lahaam, Waxana oo markale ku celiyay in aanay dhjacdadaas qafaalashada ahi xidhiidh la lahayn colaadii Ceel-Bardaale. Waxa uu ugu baaqay beelaha colaada Ceel-bardaale ay dhex taalo in ay nabada qaataan, waxana uu u sheegay in umada reer Somaliland ay tahay mida uu xilku ka saaran yahay doondoonida nabada beelaha Ceel-Bardaale.




CaaqilMuuse Xuseen Saxane oo isaguna ka hadlay shirkan Jaraa’id ayaa tacsiyeeyay umada reer Somaliland iyo gaar ahaanba intii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhinta y shaqaaqadii Jidgooyada ahyd iyo guud ahaanba dagaalada Ceel-bardaale, waxa uu xusay Caaqilku in ay wali gaabis yihiin talaabooyinkii loobaahnaa in ay xukuumadu ka qaado kooxdaas Budhcada ah, waxa uuisaga oo sii hadlaya uu yidhi ” Somaliland nabad ayay iibin jirtay imikana amaantii nabada ayaa ka badatay umada oo waa gaabis sida loogu gurmaday colaada Ceel-Bardaale waxana loo baahan yahay in loogu gurmado beelahaas Walalaha ah si la mid sidii loogu gurmaday meelihii Bariga Somaliland. Caaqilku mar uu ka hadlay mudaharaadadii shalay waxa uu yidhi ” Dhalinyarooy qaab nabdoon aya loo abaabulaa mudaharaadka, Marada shalay la sitayna meesheedii ma jirto daganaantuna waa mid haboon Somaliland-na waa muqadas jiritaankeedu. :sland: :sland:
Shirkan jaraa’id ayaa waxa akle oo ka hadlay salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kale oo ka tirsan beelaha Maxamed case waxana ay intuba cambaareeyeen Dhacdadii jidgooyda ahayd, waxana ay u taciyadeeyeen dhamanba eheladii ay baxeen intii dhimatay sidoo kale waxa ay Somaliland wax garadkeeda ugu baaqeen in nabada loo dagdago.

Lughayanews-
Office/Borama

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 23 guests