Mogadishu: Heavy clan Fighting between government militia leaves 10 Dead
Muqdisho:Maleeshiyaa d kala taabacsan C/Fataax Shaweye iyo C/qeybdiid oo ku dagaalamay Muqdisho
12. august 2009
Muqdisho(AllPuntland )Maleeshiyad kala taabacsan taliyaha ciidamada Police-ka Jeneral C/qeybdiid iyo gudoomiye ku xigeenka maamulka G/Banaadir C/Fataax Shaweye ayaa maanta dagaalo xoogan waxaa ay ku dhex mareen xaafada Zope ee aaga KM5.
Dagaalka ayaa bilawday markii labada maleeshiyo ay isku qabteen lacagaha canshuuraraha ah ee laga qaado kontaroolka Ex-kontarool Afgooye.
Warar ay heshay AllPuntland ayaa sheegaya in dagaalka ay bilaabeen maleeshiyada C/qeybiid ayna weerareen guriga C/fataax shaweye oo dhaca agagaarka Hotel Amiira.
Dagaalka oo hada hakaday waxaa ka dhashay khasaare lagu qiyaasay geeridadad ka badan 10-qof halka dhaawucunauu cagacageynayo 14-qof oo labada dhinac ah iyo dad rayida.
Ma ahan marki ugu horeysay ee ay ku dagaalamaan Muqdisho ciidamo kawada tirsan dawladda Soomaliya .
Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland



