WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA: “Xisbul Islaam Wada hadal ayaan kula jirnaa, Shabaabna kulama jirno waayo waa ay kala duwan yihiin”
Talaado, September 15, 2009(HOL): Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Shiikh Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheeegay in dowladda Soomaaliya ay wada hadallo kula jirto Xisbul Islaam oo ka mid ah Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in wada hadallada ay la leeyihiin Xisbul Islaam ay rajo wanaagsan leeyihiin wuxuuna taasi sabab uga dhigay in ay isku hayaan kaliya waxyaabo yar yar oo laga heshiin karo.
Mar la weydiiyay in ay wada hadalladaas qeyb ka yihiin Al-Shabaab ayuu sheegay in aysan wada hadal kula jirin Al-Shabaab oo uu sheegay in ay yihiin koox aan aaminsaneyn qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya, “Shabaab wada hadal ayaan kula jirnaa kuma lihi, waayo nalama aaminsano calan iyo qarannimo Soomaaliyeed iyo xormada diinta Islaamka, laakin Xisbul Islaam waxaan isku diidannahay waxyaabo yar, qarannimada soomaaliyeedna waa nala aaminsan yihiin”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.
“Shabaab waxay dooneysaa in la bedelo Calanka Soomaaliyeed, Qarannimada Soomaaliyeed iyo Xuduudaha Soomaaliyeed, waxayna fulinayaan afkaar shisheeye oo ah in Soomaaliya ay qabsadaan kaddibna ay meelo kale u sii gudbaan”ayuu mar kale yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo sheegay in ay kaliya soo dhaweyn karaan Al-Shabaab marka ay isla ogolaadaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, dowladdii 1960-kii, Calanka Soomaaliyeed, xoriyadda qofka Soomaaliyeed uu leeyahay ka qeybqaadashada siyaasadda, martinimada dadka aan jinsiyada Soomaalida wadan.
Hadalka uu sii daayay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo mid uu horay u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan sarkaal u hadlay Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan Caruus uu sheegay in aysan jirin wada hadallo ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya.
http://www.hiiraan.com/news/2009/Sept/w ... 5-7512.htm