more 50 protesters against the visit of President sh.sharef was arrested in Minneapolis
those munafaqiin wanted to paint Our dear President sh.sharef sh. ahmed in a bad light infornt of the world but it backfired on them.
Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socday abaabulka dibadbax xoogan oo Soomaali halkaasi degan waday, taasoo ugu soo horjeedeen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi iminka ku sugan.
Qaar kamid ah Soomaalida degan Minneapolis ayaa qorsheynayay dibadbaxaan oo ay ku tilmaameen mid ay ugu soo horjeedaan Siyaasada dowlada KMG ah ee Somalia ee Madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed.
Qaban-qaabada dibadbaxa waxaa si hoose u helay Hay'ada sirta ee Mareykanka FBI-da taasoo qabatay ragii madaxda ka ahaa qaban-qaabada dibadbaxaan kuwaasoo xiligaan xabsiyada magaalada Minneapolis la dhigay.
Sarkaal u hadlay FBI-da Mareykanka oo Saxaafada dalkaasi hadal kooban siiyay waxuu sheegay inay iyaga u qirsanaan doonaan dadka dibadbaxaan waday dadkii Dhalinyarada Soomaalida ku baraarujin jiray inay gudaha Somalia ka dagaalamaan xiliyadii dambe.
Shariif Sheekh Axmed
Sarkaalkaan waxuu sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay dabagal xoogan ay wadeen balse xiligaan u muuqato howshooda inay gaba-gaba gashay taasoo ku micneeyay inay sir badan ka heli doonaan raga ay qab-qabteen ee dibadbaxa qaban-qaabinayay.
Ragaan la qabqabtay ayaa intooda badan la sheegay inay kasoo jeedaan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyay shacabkiisa Mucaarad xoogan ku ahaayeen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Illo-wareeg Xogta Media ka heleyso magaalada Minneapolis sheegayaan in ragana la qabqabtay ay isugu jiraan kuwada Wadaado ah oo taageersan Mucaaradka dowlada Somalia la dagaalamaya {Al-Shabaab & Xisbul Islaam} waloow ay ku jiraan kuwa tiro yar oo Mucaaradnimada ka gashay Qabyaalad.
Waxaa sarkaalkan ka tirsan FBI-da uu walaac xoogan ka muujiyay muwaadiniin Mareykan ah oo soo aadaya dalka Soomaaliya, kuwaasoo uu tilmaamay in ay suurta gal tahay in ay tobabar ka helaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Al-Mujaahidiin.
Mareykanka ayaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Al-Mujaahidiin waxaa uu ku daray liiska waxa uu ugu yeero "argagixisada", wuxuuna Mareykanku uu sidoo kale sheegay in dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Al-Mujaahidiin uu shabakadda Al-Qaacida wakiil uga yahay dhanka Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan Waax Mareykanka u qaabilsan La-dagaalanka Argagixisada ayaa isna u sheegay FOX News in Xarakada Al-Shabaab ay sii ballaaraneysay tan iyo sanadkii 2006, haddana ay xiriir fiican la leedahay Al-Qaacidda, sida Al-Qaacidada Ciraaq oo kale. Sarkaalkan wuxuu sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay dooneyso in ay hirgeliso Dowlad Islaami ah oo aan ku ekeyn Afrika.
“Xeryaha tababarrada Al-Shabaab ee Soomaaliya ku yaalla waa kuwo si fiican u abaabulan, waxaana Al-Shabaab ku biiray 1,100 dagaalyahan Ajnabi ah, kuwaasi oo dalka dibaddiisa ka yimid” sidaas waxaa Xarunta Istaraatiijiyada Caalamka (CSIS) ka sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo haatan Mareykanka ku sugan.
Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa mar walba wuxuu iska fogeeyaa eedeymaha noocan oo kale ah ee uga yimaada Mareykanka, waloow muddooyinkii ugu dambeeyay dalka Somalia ku geeriyoodeen dhalinyarada Al-Shabaab u dagaalamayay balse heysta dhalashada dalka Mareykanka.
Bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay Shirwac Axmed oo Minneapolis-Minnesota ka tegay ayaa wuxuu noqady wiilkii ugu horreeyay oo Somali-American ah oo fuliya weerar naf-hurnimo ah, iyadoo kaddibna ay jireen dhalinyaro kale oo Soomaali ah oo Mareykanka ka tegay kaddibna ku biiray Al-Shabaab. Dhalinyaradaas qaarkood waxaa ehelladooda Mareykanka ku sugan lagu soo wargeliyay in wiilashooda la dilay, halka qaar kale oo dhalinyaradaas ka mid ah weli la la' yahay meel ay ku dambeeyaan.



