Telefishinka Al-Jazeera oo sheegay in Saldhig Xasan Turki ku lahaa Tuulada Janaay Cabdalla ay weerareen Alshabaab
Teleshinka afka Carabiga ku hadla ee Al-Jazeera ayaa markii u horeysay faah faahin ka bixiyay khilaafka u dhaxeeya Xisbul Islaam iyo Xarakada Alshabaab oo cudud ahaan aad uga ballaaran, waxaana Tv-gu ka hadlay dagaaladii Kismaayo iyo weerar xalay Alshabaab ku qaadeen Tuulo lagu magacaabo Janaay Cabdalla.
Al-Jazeera oo xiriir dhow iyo mid soke la leh Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in Tuulada Janaay Cabdalla oo ilaa iyo 60-KM dhinaca Galbeed kaga began magaalada Kismaayo xalay lagu weeraray Wadaadka caanka ah Sheekh Xasan Turki.
Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa uu si fool ka fool u dhex maray Kooxaha Islaamiyiinta ee la yiraahdo Xisbul islaam iyo Shabaab, wararkuna waxaa ay sheegayaan Alshabaab dagaal culus ku soo qaaday Deegaanka Janaay Cabdalla oo Saldhig u ah Wadaadka Xasan C/laahi Turki oo ka mid ah Saraakiisha Xisbul Islaam.
Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo qariyay magaciisa ayaa u sheegay Telefishinka Al-Jazeera in ay weerarka Alshabaab iska caabiyeen laakiin aysan wali dib ugu laaban magaalada Kismaayo ay ka soo weerar tageen, kadib markii saddex maalmood ka hor la wareegeen.
Maxamed Cabdi oo ka mid ah dadka deegaanka Janaay Cabdalla ayaa u sheegay Al-Jazeera in ay Alshabaab ku sugan yihiin afaafka hore ee deegaanka Janaay Cabdalla kuwaasi dib u qorsheynaya in ay weerar laba afla ah oo ka dhan ah Xasan Turki.
Wararka qaar yaa sheegaya in ay Xisbul Islaam Minooyin ku daadiyeen dhamaan wadooyinka soo gala deegaan Janaay Cabdalla si ay uga bad baadaan weerarka Alshabaab oo laga yaabo in ay saakay mar kale soo qaadaan .
Sheekh Xasan Turki oo muddo sanadooyin soo carbinayay Maleeshiyaad fara badan ayaa waxaa uu xataa tababaray Xoogaga Alshabaab, waxaana wadaadkaad xaalkiisa u muuqdaa mid keeni karta in bedelkii Mareykanka uu keymaha kaga dhuumaaleysanayay hadana Shabaab uga dhuunto.
Si kastaba ha ahaatee Xaalada labada dhinac ayaa u muuqataa mid cirka isku shareereysa, iyadoo Xasan Turki ahaa aabayaashii Islaamiyiinta, ayaa hadana la ogeyn waxa Alshabaab ku qoomeen, hase yeeshee Axmed Madoobe oo ay qaraabo dhow yihiin Wadaadka ayaa loogu aaneynayaa in sababta saldhigiisa weerarka loogu qaaday
Reminds me of shabaab calling axmed diriye ''the father of resistance'' while at the same time senting assasins against him.






