Gaari Tikniko ah iyo Ciidanki sarnaa oo ka soo goostay Xzbusheydhaan oo isu soo dhiibay Xogagga Ahlusunna Waljamaaca ee Degmada Guriceel.
War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray Magaalada Guriceel ee gobolka galguduud ayaa wuxuu sheegayaa in uu mar dhow soo gaaray Baabuur Tikniko ah oo uu saaran yahay Qorayga loo yaqaan B10/ka oo aay saaran yihiin ciidankiisii .
Baabuurkaas oo ka soo goostay ururka Xizbu sheydhaan ee Khawaarijta uu Madaxda u yahay Xasan Dahir kuwaas oo Fadhigoodu yahay Magaalada Beled weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu isu soo dhiibay Xoogagga Culumada Ahlusunna Waljamaaca ee Degmada Guriceel.
Baabuurkaas iyo ciidankii saarnaa ayaa hadda waxeey ku sugan yihiin Degmada Guriceel iyada oo halkaas si diiran loogu soo dhaweyey si xor ahna aay dadkooda dhinac ka raaceen.
Wixii faahfaahin ah ee intaas dheer dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa.
Xaafiiska Wararka Shaaficiyah


