Ogaadeen People should think
Posted: Fri Oct 09, 2009 8:48 am
Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu Sirdoonka Ethiopia ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen dad habeen hore lagu gowracay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Xukuumada Puntland ayaa Saakay markii ugu horaysay ka hadashay fal habeen ka hor qoorta looga jaray 2-kamid ah dad ka soo jeeda qoomiyada Soomaali Galbeed ee Ethiopia,waxaana arkinkaasi ay ku eedaysay Ciidamada Sirdoonka Ethiopia in ay ka fuliyeen mid kamid ah Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Hase ahaatee dad waynaha ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ayaa la yaabay falkaasi naxdinta badan iyadoona wararka ay sheegayaan in ay horay u sii wateen dad kale sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Wasiirka aminga ee Maamulka Puntland C/laahi Saciid Samatar oo Saakay la hadlayay Idaacada Shabelle ayaa waa uu sheegay in falkaasi ka Xukuumad ahaan ay ka xunyihiin islamarkaana ay howlgaladaasi fuliyeen Ciidamada Militaarka Ethiopia.
Waxa uu intaasi ku daray in Xukuumada Ethiopia ay u dirtay Xukuumada Addis Ababa warqad lagu cadeenayo in Ciidamada Ethiopianka ay ka fuliyeen howlgalkaasi Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Booliska ee Maamulka Puntland ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug hase ahaatee falkaasi habeen ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay fuliyeen Ciidamada Militaarka Ethiopia ay dhabar jab ku noqonayso howlihii Ciidamada nabad sugida ay ka wadeen Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Waa markii ugu horaysay oo Ciidamada Ethiopianka ay howlgalo ka fuliyaan deegaanada ay ka arimiyaan maamul gobleedka Soomaaliyeed ee Puntland,hase ahaatee dad waynaha ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa arinkaasi waxa ay ku tilmaameen ayaan daro u soo hooyatay Xukuumada Maamulka Puntland.
How many times do the Majeerteen have to hand them over to the Ethiopian to be Slaughtered before they believe Majeerteen and Ethiopians are one people. Why can't they come and live in the hawiye Districts where Ethiopia has no support. Even South Gaalkacyo is more peaceful for them or They can go to Cadaado. Doofaaradaan ayay qabiil umiciin bideen markaas aa sidii xoolihii loo gawracayaah.