: Ciidamada dawladda Itoobiya oo soo galay Hiiraan.-11. oktober 2009
Baladweyn(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya in ay dawladda Itoobiya ay ciidamo badan udirtay xadka ay la wadaagto gobalka Hiiraan ee dalka Soomaaliya, isla markaasna ay ciidamadaasi doonayaan in ay la dagaalamaan Mucaaradyada ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.
Itoobiya ayaa ku sheegtay sababaha ay ciidamadeeda ugu dirtay Hiiraan, sidii loo caawin lahaa dawladda KMG ah oo aan awood badan ulaheyn qabsashada gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, ayadoo ay jiraan xaalado dagaal oo laga dareemayo gobalkaasi oo ay isku heystaan mucaaradyada diidan DKMGS iyo dawladda Soomaaliya.
Saraakiisha DF ayaa xaqiijiyey joogitaanka ciidamada dawladda Itoobiya ee gudaha dalka, ayagoo sidoo kale sheegay in ay hada DFKMGS ay diyaarisay ciidamadeeda ku sugan gudaha gobalkaasi Hiiraan.
Qiyaastii deegaanada ay hada soo galeen ciidamada dawladda Itoobiya waxa ay Baladweyn ugu jiraan 50 KM, oo ku aadan dhanka Xuduudaha Itoobiya iyo Soomaaliya, waxa ayna jareen Isgaarsiintii ama telfoonadii, lugula xariiray deegaanadii ay soo galeen ciidamada dawladda Itoobiya.
Magaalada Baladweyne hada oo lajoogo, waxaa ka taliya Ururka uu hogaamiyo Xasan Daahir Aweys, waxaana ay ka qabsadeen dawladda Faderaalka KMG ah ee dalka Soomaaliya, dadka ayaa cabsi ka qaba dagaalo ka dhaca gobalkaasi, oo udhaxeeya dawladda KMG ah iyo Mucaaradyada ka soo horjeeda.



