WARDEG DEG: Dagaal culus oo goor dhow ka bilowday agagaarka Saldhiga Yaaqshiid
Dagaal culus oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa goor dhow ka bilowday Saldhiga Yaaqshiid, kaasoo u dhaxeeya Xisbul Islaam iyo Xarakada Alshabaab oo ku loolamaya gacan ku heynta Saldhiga.
Wararka ay heleyso shabakada jowhar.com ayaa tilmaamaya in dagaalka uu ka dambeeyay markii weerar ay ku soo qaadeen Saldhiga ciidamo hubeysan oo Xisbul Islaam ka tirsan kuwaasoo uu watay ninka lagu magacaabo Axmed Laashin oo horay lagala wareeegay Saldhiga.
Dagaalka ayaa geystay qasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac,oo labada dhinac soo kala gaaray, kaasoo aan laheyn tirada rasmiga ee ku dhaawacyada iyo dhimashada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka Shabaab laga saaray laga saaray Saldhiga Yaaqshiid oo maalmo kahor la wareegeen,waxaana wali ka socota hareeraha saldhiga rasaas xoog badan.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com





