GAALKACYO: Maamulka Galmudug oo maanta magacaabay laba gobol oo hoos imaanaya maamulkooda
Posted to the Web Oct 14, 07:48
Gaalkacyo (PP) - Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Somalia Axmed Max'ed Caalin ayaa lagu magacaabay laba gobol oo la sheegay inay hoosimaanayaan maamulka Galmudug.
Madaxa warfaafinta ee maamulka Galmudug ayaa u aqriyay saxaafadda labada gobol ee la magacaabay iyadoo lagu sheegay tani inay tahay mid uu Caalin kula loolamayo ninka ay jagada isku hayaan ee Axmed Shariif Cali Hilowle.
Gobollada la magacaabay ayaa waxay kala yihiin: Gobolka Barwaaqo oo ay magaalo madaxdiisu tahay Degmada Af-barwaaqo oo horay u ahayd tuulo ka tirsan Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Kulmiye oo caasimad ay u noqonayso Gallinsoor. "Labadan gobol waxay ka mid noqonayaan deegaannada ay maamusho Galmudug, waxaana magaacbiddoodu ay ku timid markii aan afti ka qaadnay dadka ku dhaqan halkaas, ayna ogolaadeen in laga dhigo gobollo" ayuu yiri Madaxa wafaafinta Madaxtooyada Galmudug.
Maamulka Galmudug oo la aasaasay laba sano ka hor ayaa waxaa soo dhexgalay khliaaf aad u xooggan iyadoo hoggaankiisa ay isku haystaan laba mas'uul oo diiday in la dhedhexaadiyo, waxaana mas'uul walba uu sheeganayaa inuu isagu yahay Madaxweynaha ramsiga ah ee maamulka.
Axmed Max'ed Caalin oo ka mid ah madaxweynayaasha Galmudug ayaa isla maanta u dhoofay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo saxafiyiinta u sheegay intii uusan dhoofin ka hor inuu halkaas u tagayo howlo shaqo oo uusan shaacin.



