Jimco, 23, Oc, 2009 (HOL): Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee dagaalka kula jirta Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ayaa shaaca ka qaaday in ay weerari doonto Caasimadaha Dalalka Uganda iyo Burundi ee kala ah Bujumbura iyo Kampala.
Madaxa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in sababta ay u bartilmaameedsanayaan Magaalooyinkaas ay tahay iyadoo ay dalalkaas Ciidamo u soo direen Soomaaliya, ciidamadaasna ay xasuuq ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
"Haddii laga baroortay Magaalada Muqdisho oo ay Ciidamada Amisom duqeyn ka geysteen, waxaa iyana laga barooran doonaa Magaalooyinka Kampala iyo Bujumbura"ayuu yiri Shiikh Cali Maxamed Xuseen.
Shiikh Cali Maxamed Xuseen waxaa uu intaas ku daray in ay gudaha dalalka Uganda iyo Burundi ka bilaabi doonaan dagaallo la mid ah kuwa ay uga soo horjeedaan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ee ka socda Dalka Soomaaliya.
Hadalka uu sii daayay Madaxa Gobolka Banaadir ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa wuxuu jawaab u ahaa duqeyn ay shalay Ciidamada Amisom ka geysteen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmoyinka Hodan iyo Howl-Wadaag taasi oo sababtay dhimashada dad 20 ruux gaaraya iyo dhaawax 70 ruux kor u dhaafaya.








