Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somaliland: Defence Minister and army chief arrive in L.Cand

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Somaliland: Defence Minister and army chief arrive in L.Cand

Postby MrPrestige » Thu Nov 05, 2009 1:32 pm

Wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliland iyo taliyaha ciidanka oo kulan la qaatay dadka reer Laascaanood
Warkii 04-Nov-2009 iyo Qormadii: NEWS
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed iyo Taliyaha Ciidanka Nuux Ismaaciil Taani ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha,ciidamada amniga iyo guud ahaanba shacabka reer Laascaanood,iyagoo safarkoodu la xidhidhay tacsida marxuunkii dhowaan ku geeriyooday magaalada Laascaanood,oo ahaa taliyihii qaybta 12-aad ee ciidanka.

Ugu horeyn taliyaha ciidanka Somaliland Nuux Taani ayaa sheegay inay Laascaanood u yimaadeen inay ciidanka iyo guud ahaanba shacabka reer Laascaanood uga tacsiyeeyaan geeridii ku timid ala ha u naxariistee Korneyl Cusman Yuusuf Nuur,oo bam lagu qariyey wadada dhinaceeda lagu dilay.Taliyaha ayaa sheegay inay u soo tacsiyeeyeen xaaskii iyo caruurtii marxuunkaas,hadana ay la qaybsanayaan tacsida guud ahaan shacabka Somaliland.

"Waxaa muhiim ah in meel looga soo wada jeesto gacan-ku-dhiiglayaashii ka danbeeyey qaraxyadii ka dhacay magaalada,oo aan ciidanka oo keliya lagu halayn inay soo qabtaan dadkii falkaas ak danbeeyey,balse si wadajir ah loo wada shaqeeyo,nabadgelyadana loo wada ilaashado" Sidaas waxa yidhi Mr Taani oo ku sifeeyey marxuunkii geeriyooday nin qaali ahaa,oo dadku ay jeclaayeen.

Waxaa isna ereyo tacsi iyo warbixin ah halkaas ka jeediyey wasiirka Gaashaandhiga,isagoo sheegay in marxuunkaasi ahaa nin oday ah,oo si weyn ugu soo shaqeeyey qaranka Somaliland,lana tebi doono.
Caaqil Axmed Hoolif oo ku hadlay magaca odayaasha degmada Laascaanood ayaa ugu horeyn tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday marxuunkaasi,wuxuuna Caaqilku sheegay in ninkaasi uu ahaa nin shacabka reer Laascaanood si fiican isu fahmeen,oo la tashan jirey odayaasha iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada.
"Waa waajib in gacanta lagu soo dhigo gacan-ku-dhiiglayaashii ka danbeeyey dilka marxuunkaas,si buuxda ayaana ula shaqaynaynaa ciidamada amniga ee baadhista wada"sidaas waxaa yidhi Caaqil Axmed Hoolif,oo sheegay inay saaxiib ahaayeen marxuunkaas,aqoon fiicana uu u lahaa.

Waxaa sidoo kale isna hadalkii qaatay Abwaan Cali Qamar,isaga oo sheegay in ay ka xun yihiin dilka loo geystey marxuunkaas,ayna waajib tahay dadka reer Laascaanood iyo guud ahaanba gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle ay ilaashadaan nabada ay haystaan.
"Waxaan ka digayaa belo madax la qaybtay leedahaye,minjo la qabto ma leh,sidoo kale waxay soomaalidu tidhaahdaa "Nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin",oo dad aan wax dan ah idiin hayn,yaanay durbaan idiin tumin"ayuu raaciyey hadlkiisa Oday Cali Qamar oo ka mid ah,odayaasha aadka looga tixgeliyo deegaamadaas.
Afnugaal News Desk.
Contact:xassand2000@yahoo.com



Video of the events.


User avatar
Crazy Cat Lady
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1830
Joined: Fri Aug 14, 2009 5:55 pm
Location: FUCK AL-SHABAB! f-king NOBJOCKEYS!
Contact:

Re: Somaliland: Defence Minister and army chief arrive in L.Cand

Postby Crazy Cat Lady » Thu Nov 05, 2009 1:35 pm

These people don't learn do they? :|

User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12003
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Somaliland: Defence Minister and army chief arrive in L.Cand

Postby abdikarim86 » Thu Nov 05, 2009 1:35 pm

inaga daa the lascaanood topics

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Somaliland: Defence Minister and army chief arrive in L.Cand

Postby MrPrestige » Thu Nov 05, 2009 1:50 pm

Abdikarim are you a inaan or something? this is about somaliland news marka stop with your inaga daa softie talk. :Arrow:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 9 guests