Sheekh Xasan Daahir Aweys " Dagaalka aan ku jirno waa mid aan uga soo horjeedno ciidamo dalka ku soo duulay, waxaana ganacsatada u soo jeedinaynaa..."
Mogadishu Thursday 5 November 2009 SMC
Sheekh Xasan Daahir Aweys Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta la shiray qaar ka mid ah Ganacsatada Gobolka Banaadir, wuxuuna u soo jeediyay inay ku garab istaagaan dagaalka ay ku jiraan.
“Ganacsatada waxaan ka dalbanaynaa inay dhisaan wadooyinka burbursan ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in ganacsatadu ka qeyb qaadato sidii loo dayactiri lahaa Wadooyinka Muqdisho.
Kulankaasi oo saxaafadda loo diiday inay goob jog ka ahaato ayuu Sheekh Xasan
Daahir u sheegay saxaafadda markii uu kalnkaasi dhamaaday inay ganacsatada ka dalbadeen inay gacan ka siiyaan dagaallada ay kula jiraan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.
" Dagaalka aan ku jirno waa mid aan uga soo horjeedno ciidamo dalka ku soo duulay, waxaana ganacsatada u soo jeedinaynaa inay na tagaaraan Ganacsatadu.” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.
Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbul Islaam wuxuu sheegay in wadooyinka Muqdisho aysan helin dib u dhis, tan iyo markii ay dowladdu burburtay, dhulkana uu u muuqdo mid agoon ah, sidaa daraadeedna ay ka dalbadeen ganacsatada inay gacan ka geystaan dib u dhiskooda wadooyinkaasi bur bursan.
Dhanka kale kulankaasi ma jirin cid u hadashay ganacsatada ka qeyb gashay kulankaasi, wuxuuna kulankaan imaanayaa xilli Xubno ka tirsan Mas’uuliyiinta ganacsatada shir la yeesheen madaxda Dowladda Soomaaliya.



