horseednet
Guddoomiyihii Maxkamada Bosaso oo la dilay
November 11, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0)
Guddoomiyihii Maxkamada Bosaso oo la dilay | read this item Horseed Media
News Desk
Waxaa caawa Salaadii makhrib kadib bartamaha magaalada Bosaso lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamada Darajada 1aad ee Bosaso Maxamed Cabdi Awaare.
Marxuumka ayaa waxaa la xaqiijiyey in koox afka soo duubatay ay ku dishay xili uu kasoo baxayey Masjid ku yaal nawaaxiga suuqa weyn ee magaalada Bosaaso, halkaasi oo la sheegay inuu Guddoomiyaha u dhintay tacshiiradii ay la la beegsaday.
Waxaa warar is khilaafsan kasoo baxayaa cida weerarkan ka danbeysay inuu hal qof ahaa ama koox hubeysan.
Ciidamada Amniga ayaa lagu arkayaa jidadka waaweyn ee nawaaxiga suuqa iyo xaafadaha u dhaw ayagoo wada baaritaano.
Habeenadii lasoo dhaafay ayey magaalada Bosaso ka socdeen baaritaano ay wadeen ciidamada Amniga oo sheegay inay ku raadjoogaan kooxo amniga wax u dhimi kara.
Maxamed Cabdi Awaare wuxuu guddoomiyaha Maxkamada Bosaso soo ahaa tan iyo maamulkii SSDF ee ka horeeyey dhismihii Dowlada Puntland.
Maxamed Cabdi Aware ayaa asagu ahaa si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya, isla markaana Maxkamada Bosaso ee Guddoonkeeda hayey ayaa ah mida ugu shaqada badan ee ku taal gobalada Puntland.
Marxuumka ayaa horey xilal kala gedisan ee dhanka Garsoorka ah uga soo qabtay gobalka Bari, wuxuuna kamid ahaa xaakimyadii ka haray Dowladii hore ee Soomaaliya.
Marxuum Maxamed Cabdi Awaare ayaa danbiyada uu xukunka ku rido isugu jireen kuwo heer walba leh, ayadoo uu ku xukumi jiray Shareecada Islaamka, wuxuuna caan ku ahaa Guddoomiyaha Maxkamada inaan weligiis wax waardiye ama illaalo ah uusan kaxeysan.
Ma jiraan koox sheegatay dilkan ayadoo horey ay u dhaceen shirqoolo noocaan ah oo lala beegsaday Saraakiil ka tirsan iyo kuwo horey uga mid ahaan jiray ciidamada Amniga oo lagu dilay magaalada Bosaaso, ayadoo inta badan dilalkaasi kooxihii ka danbeeyey aan gacanta lagu soo dhigin.
Horseed Media.




