Postby Abdi-Samatar » Wed Nov 11, 2009 1:41 pm
War deg deg ah: Gudoomiyihii Maxkamada Darajada koowaad ee gobalka Bari oo goor dhaw ay kooxo toogteen.
11. november 2009
Bosaso(AllPuntland)- War goor dhaw soo gaaray AllPuntland ayaa sheegaya in magaalada Boosaaso ay kooxo hubeysan ku toogteen gudoomiyihii Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso Maxamed Cabdi Awaare, waxaana dilkan fuliyey kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan.
Laamaha caafimaadka ayaa usheegay APL in dhaawac culus uu soo gaaray Maxamed Cabdi Awaare,una geeriyooday intii aan laga qaadin meeshii ay rasaastu ku haleeshay, waxaana aan la garan karin cid ka dambeysay.
Saraakiisha Amaanka ayaa usheegay APL in aysan cidna uqaban dilkan, balse waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano xoog leh oo ku aadan cida ka dambeysay, waxaana la xiray guud ahaan meesha uu falkan ka dhacay.
Rag madax qarsaday ayaa fuliyey falkan, waxaana lasheegay in ay baxsadeen, goob-joogayaal ayaa usheegay APL in ay xarada oo dhan laga kala yaacay markii ay rasaastu dhacday, isla markaasna uu falkan ku dhacay si lama filaan ah.
F. C. Maxamed
AllPuntland, News Desk
--------------------------------
--------------------------------
--------------------------------
War deg deg ah : Xarunta Dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo oo Bambo goor dhaw lugu tuuray..
11. november 2009
Gaalkacyo(AllPuntland)- Xarunta dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa lugu tuuray Bambo kuwa gacanta ah,taasoo aan la garan karin cida ka dambeysa, waxaana ciidamadu amaanku ay rideen rasaas lasheegay in lugu kala cayrinayay dad badan oo iskugu soo xoomay Xarunta dawladda Hoose.
Ciidamada amaanka ayaa xiray wadooyinka soo gala Xarunta dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, waxaana qaar ka mid ah madaxda dawladda Hoose ay usheegeen APL in ay rasaas ku rideen qof looga shakiyey in uu ka dambeeyey tuurida Bambooyinkan, isla markaasna aan gacanta lugu soo dhigin.
Saraakiisha Amaanka ee dawladda Hoose ayaa sheegay in ay hada ku jiraan adkeynta amaanka, isla markaasna ay wadaan baaritaano ku aadan cida ka dambeysay qaraxan lugu tuuray aqalka dawladda Hoose.
Shaqaalaha dawladda Hoose ayaa uxaqiijiyey APL in aysan cidna wax ku noqon qaraxan, luguna beegay xili aysan socon wax shaqo ah, luguna tuuray goobta dawladda Hoose oo aysan ka ag-dhaweyn Ilaalada Xarunta oo waqtiyadan oo kale Xarunta ilaalo xoogan ka qabta.
Duqa magaalada Gaalkacyo C/rixmaan Xaaji Maxamuud Xasan iyo Saraakiil kale oo dhanka amaanka ah ayaa galay gudaha Xarunta, waxaana dadka loo diiday in ay udhawadaan goobta dawladda Hoose.
F. C. Maxamed
AllPuntland, News Desk
------------------------------
------------------------------
Garowe: Mudane ka tirsan barlamaanka Puntland oo goor dhaw lugu dilay Garowe.
11. november 2009
Garowe(AllPuntland)- Xildhibaan Ibraahim Cilmi Gaab oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ayaa goor dhaw lugu dilay magaalada Garowe ee caasumada Puntland, sida ay APL usheegeen Wariyaal iyo dhinacyo kale oo ku sugan caasumada Puntland.
Ibraahim Cilmi Gaab oo ka mid ahaa Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa lugu dilay gudah caasumada Puntland ,gaar ahaana isago marayay gudaha caasumada, sida ay sheegayaan Wariyaasha Madax banaan ee caasumada Puntland.
Dawladda Puntland madaxdeeda qaar ka mid ah ayaa sheegay in la dilay Mudahan barlamaan, isla markasna aysan garan karin cidii ka dambeysay falkan oo ay baxsadeen, waxa ayse sheegeen in ay ku jiraan baaritaano xoog leh oo ku wajahan arrimahan.
Faahfaahin kale ma aysan bixin Madaxda dawladda Puntland, waana falkii sadexaad oo caawa ka dhaca gudaha Puntland, ayadoo maqribkii lugu dilay Boosaso gudoomiyihii Maxkamada darajada koowaad Maxamed Cabdi Awaare, Galkacyo oo qarax lala eegtay Xarunta dawladda Hoose iyo Garowe oo lugu dilay Mudanahan baarlamaan, dad badan oo ku dhaqan Puntlanda ayaa qaba walaac xoog leh oo ku adan arrimahan oo aan dhamaantood la garan karin cid ka dambeysay.
F. C. Maxamed
AllPuntland, News Desk