Addis Ababa: Shariif Sheekh Axmed oo ka codsaday Itoobiya taageero Milateri
Addis Ababa(AllPuntland)- Dawladda Itoobiya ayaa qaabishay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed oo shalay ka duulay magaalada Nayroobi ee caasumada dalka Kenya, markii uu halkaasi fashil ku dhamaaday wada xaajoodyo uu la lahaa Madaxda dawladda Puntland ee Soomaaliya qaarkood.
Madaxweynaha dawladda KMG ah ayaa la kulmay Wasiirka arrimaha dibada dawladda Itoobiya ayaa kala hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya, siiba qodobada ku aadan dhinacyada amaanka iyo Siyaasada labada dhinac.
Wada hadalada ayaa laysku soo qaaday iskaashiga amaanka iyo taageerada ay dawladda KMG ah uga baahan tahay dawladda Itoobiya, taasoo ay soo jeediyeen wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyada dawladda KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aaden oo la rumeysan yahay in uu Madaxweynaha Soomaaliya howlihiisa aad ula hayo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa usheegay Mesfin in ay ubaahan yihiin taageero laga siiyo dhinacyada tababarada ciidamada qalabka sida iyo arrimo kale oo ay ugu weyn yihiin sidii meel sare loo garsiin lahaa sirdoonka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, taasoo aan la garan Karin sida ay ku yeelayso dawladda Itoobiya.
Addis Ababa ayaa rumeysan in aysan dawladda KMG aheyn mid wax lugu aamini karo, waxaana dawladda KMG ah dhexdeeda ay dawladda Itoobiya uga shakisan tahay in ay ku dhex jiran Siyaasiin badan oo taageersan kooxaha mucaradka ah ee ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya ee Reer galbeedku ay garbaha hayaan.
Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa horay uga codsaday dawladda Itoobiya in ay ciidamadeeda ku caawiso dawladda KMG ah oo ay uqabato qaar ka mid ah gobalada dalka Soomaaliya, balse taasi waxaa ka biyo diiday oo madaxa ka ruxay Raysalwasaaraha dawladda Itoobiya oo og xaqiiqada ka soo gaartay markii ay ciidamadooda galiyeen Soomaaliya, sannadyadii 2007-badii iyo 2008-dii.
Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa sadex maalin ka hor Warbixin uu soo saaray ku sheegay in ay Islaamiyiinta hubeysan ee Koonfurta Soomaaliya ay la wareegi karaan guud ahaan dalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey dawladda KMG ah in ay iskugu ururtay oo ay hada difaacdo Aqalada Raysalwasaarah iyo Madaxweynaha, taasoo u isticmaalay dawladda KMG mid fadhiid ah oo aan meelna waxba ka qaban Karin.
Itoobiya ayaa si awood buuxda ku jirto ku taageertay Xukuumadii uu hogaaminayay Raysalwasaare Prof, Cali Maxamed Geedi, oo mudadii uu joogay Xaafiiska Raysalwasaaraha wax badan ka qabtay xaaladaha dalka Soomaaliya, isla markaasna badalaad ku sameeyey Siyaasada Soomaaliya, isagoo ugu dambeyntii uu galaaftay khilaaf culus oo hareeyay isaga iyo Madaxweyne Yuusuf, waxaan Geedi uu shaqada iskaga casilay magaalada Baydhabo, markaas oo isbadal weyn ku yimid Siyaasada Soomaaliya.
Khuburada la socda Siyaasadaha Itoobiya ayaa rumeysan in aysan dawladda Itoobiya waqtigan la joogo, waxba ciidan oo taageero ah aysan siineyn dawladda KMG ah, isla markaasna laga yaabo in ay ka taageerto dhinacyada tababarada iyo hubabka qaarkood, oo diyaarado lugu keeno, hadana lama garan karo sida ay taasi uga hirgali karto dawladda Itoobiya, oo shaki baahsan ka qabta in ay waxyaabaha ay bixiso dawladdooda ay gacanta ugalayaan Mucaaradyada Soomaaliya.
http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=6561&z=2