Beesha gabooye oo cambaareeyey qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland.
Kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen magaaladda Nairobi dhammaan odayaasha,waxgaradka,culumaa”udiinka iyo siyaasiin ka soo jeeda beelaha gabooye ee ku dhaqan bariga afrika ayaa waxaa lagu cambaareeyey qaar ka mid ah salaadiinta soomaliland isku daygooda ku aadan in ay kala qaybiyaan beesha gabooye oo ay sheeggeen in nasab ahaan ay ka soo jeedaan qabaa”ilka degga magaaladda burco
Xildhibaano ka tirsan dawladda ku meel gaarka ah ee soomaaliya oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxay sheeggeen in ay tahay wax laga xumaado in beelaha soomaaliyeed ay isku dayaan in xilligan la jooggo ay kala qaybiyaan beel facwayn oo xattaa ka jiritaan badnayd qabaa”ilo badan oo soomaaliyeed in hadda dadka la marin habaabiyo
Beesha gabooye ee ku dhaqan magaaladda Nairobi waxay ugu baaqday salaadiinta Somaliland in ay faraha kala baxaan arrimaha gudaha ee beelahaasi islamarkaasna ay xishmeeyaan jiritaankoodda,si ay labada qowmiyadood ay u yeeshaan wada shaqayn saaxiibtinimo
Kulanka beeshan ayaa waxay ka dambaysay kadib markii beelo ka mid ah soomaaliland ay bilaabeen ololo ay uga dhiggayaan qaar ka mid ah beelaha gabooye in ay yihiin Kuul Carro islamarkaasna ay nasab ahaan ka soo jeedaan beelaha ololaha wada,taasi waxay keentay in xiisad ay ka dhex dhaliso beesha dhexdeeda
Odayaashan Nairobi ku shiray ayaa waxay qoraal ka dhan ah amuurtan u gudbiyeen,qaramadda midoobay,hay”adaha u dooda xuquuqda aadamaha,saraakiil midowga afrika ka tirsan,urur goboleedka IGAD iyo dawladda maraykanka kuna cadeeyeen sida beelaha soomaalida ay ku doonayaan in ay ku baabi”iyaan jiritaankoodda,waxayna ka codsadeen hay”adaha u doodad xuquuqda bini”aadamka in ay arrinkaasi wax ka qabtaan kulankan ayaa waxaa ka qabgalay xubno ay ka mid ahaayeen Xildhibaan mahamed mahamuud cali,Nabadoon mahamuud gaciye cali iyo marti sharaf kale,waxayna ugu baaqeen dadka ka soo jeeda beesha gabooyaha in ay ka tanaasulaan waxyaabaha aan aqliga gali Karin ee lagu xaqirayo jiritaankooda islamarkaasna ay isku duubni muujiyaan
Odayaashan iyo siyaasiintan ayaa waxay haatan wadaan olole siyaasadeed oo la isugu keenayo dhammaan beelaha ku abtirsada beesha gabooyaha
By Mursal Quule
Nairobi-Kenya