Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

SAACAD BOLISKA U SHEEGEYSA HADUU NINKU DAMCO INUU XAASKIISA

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

SAACAD BOLISKA U SHEEGEYSA HADUU NINKU DAMCO INUU XAASKIISA

Postby MrPrestige » Wed Nov 18, 2009 8:20 pm

SAACAD BOLISKA U SHEEGEYSA HADUU NINKU DAMCO INUU XAASKIISA DILLO :lol: :lol:

MADRID(Oodweynenews)- Dumarka ayaa ugu danbeyn waxa ay heleen saacad u sheegeysa boliska hadii uu ninkeedu damco inuu dilo ama usoo dhawaadaba runtii waa arin dumar badan ay aad ugu farxi doonaan.
Wasiirada faransiiska u qaabilsan arimaha qoyska NADINA MURANO ayaa waxay sheegtay inay aad ula dhacsan tahay saacadan elecrtoniga ah ee laga isticmaalo iminka dalka spain taasoo lagu ilaalinayo ama lagula soconayo dumarka had iyo jeer la kulma dilka ama buka bukeynta kaga timaada ragooda iyadoo murano sheegtay inay saacadan lagu ilaalinayo dumarka ay dooneyso inay si degdeg ah usoo gaadhsiiso dalka faransiiska.

Waxa ay murano ku sheegtay shir jara,id inay dooneyso inay faransiiska u sameeyaan saacadan sanadka 2010 maxaa yeelay bey tidhi tirada sii kordheysa ee dumarka ragoodu dilo wadankayaga waa mid aad u cabsi iyo wer wer badan umana dul qaadan karo in labadii maalmoodba ay qof dumara u dhimato gacanta ninkeeda.

MADRID ayaa waxay ku maal galisey 5 malyuun oo yuuro si ay u qeybiyaan 3000 oo saacadahan electroniga ah maxkamadaha dalka isbeyn oo dhan iyadoo ay sheegeen bolisku in 58 xaaladood oo qudha ay maxkamadu ku xukuntay in ragu ama ninku uu yahay mid dumarka dila.
saacadan ayaa waxay tahay saacad yar oo plastic ah oo dumarku gacanta ay ku xidhanayaan taasoo ALARM ama dhawaaq u sameynaysa santerka (control center) marka uu ninku aad ugu soo dhawaado gabadha taasoo bolisku sida ugu dhakhsaha badan usoo gaadhayo.
iyadoo ilaa markii la bilaabey dalka spain saacadan 06/2009 ay soo gaadhay boliska 222 ALARM ama SOS oo qeyla dhaan ah taasoo 85% ay ahaayeen ninka oo aad ugu soo dhawaadey qofka dumarka ah ama inuu markaa dilo doonayey xaaskiisa laakiin ay dalbatey in laga soo gaadho.
MURANO ayaa waxay sheegtay in dalka faransiiska 156 haweena ay u dhinteen dil ama garaac kaga yimi ragooda sanadkii 2008. halka dalka spain ay ka ahaayeen 76 haweena sanadkii 2008. iyadoo sanadkan dalka spain ay gaadhayaan haweenka ragoodu diley 49 ilaa iminka.iyadoo la sheegay in dalka spain ay sanadkan yaraadeen inkastoo aanuu sanadkii dhamaan oo aan la sheegi karin natiijo kama danbeyn ah,

Wasiirada haweenka ee dalka faransiiska NADINE MURANO ayaa dalbatey in la keeno dalka faransiiska saacadan electroniga ah ee ay isticmaalaan dumarka dalka spain.
iyadoo ay iminka isticmaalaan saacadan 13,000 oo haweena dalka spain

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: barbarossa and 12 guests